Mooshinka heshiiska Berbera: Ma sharci mise cabsi ka muuqata DF Somalia?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la geeyey mooshin ka dhan ah Hehsiiska ay Somaliland ugu ogolaatay Imaaraadka Carabtay inay saldhig Militari ka sameysato Magaalada Berbera kaasoo la sheegay inuu halis ku noqon doono jiritaanka Ummadda Soomaaliyeed.

Haddaba waxaa la is waydiinayaa sababta aysan ilaa hadda dowladda Soomaaliya uga hadlin go,aankaas, maadaama mooshinada la geenayo looga baahan yahay wixii dowladda dhexdeeda ah balse haddii ay noqoto go,aaminta mustaqbalka Soomaaliya ay lagama maarmaan noqoneyso inay dowladda soo saarto go,an cad oo arrintaas ku aadan.

Haddii ay dowladda soo saarto go,aan cad iyo haddii iyadaba wax laga tabanayo ayaa muhiim ah in mooshi la keeno, balse arrinta ku aadan Saldhigga Berbera waxay aheyd inay dowladda si dhaqso ah uga hadasho go,aan cadna kasoo saarto.

Waxay tallabada Mooshinka loogu gudbinayo heshiiskaas muujineysaa inay dowladda cabsi ka qabto ka hadlidda arrintaas, isla markaasna waxay dooneysaa inay kusoo gambato Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Dadka Fallanqeeyo siyaasadda ayaa aamisan inuu mooshinkaan yahay cabsi ay dowladda ka qabto inay si geesinimo leh uga hadashay faragelinta qaawan oo ay dowladda Imaaraadka ku heyso dhulka Sharci ahaan ka tirsan Soomaaliya.

Saldhigga Militari ee laga duqeyn doono Xuutiyiinta Yeman kaasoo la doonayo in laga sameeyo Berbera waa arrin halis weyn leh oo sababi karto inay ururkaas gudaha usoo galaan Soomaaliya ay ay duqeeyaan Berbera sida ay saraakiil ka tirsan ururkaas u sheegeyn Tv-ga Carabiga ku hadlo ee Al-Jazeera.

Marka ay yimadaan go,aan noocaas oo kale ah waxay marka hore muhiim ah inay dowladda Soomaaliya go,aan cad kasoo saarto isla markaasna ay muujiso inuu yahay mid aan sharciga waafaqsaneyn.

Madaxwyenaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo weli arrintaan kama uusan hadlin inkastoo warar soo baxay ay sheegayeen inuu Dowladda Sacuudiga ka codsaday inay kala dhex gasho dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka, wuxuuna ku eedeeyey inay ku xad gudubtay sharciga caalamiga ah maadaama Berbera ay weli tahay dhul Soomaaliya ka tirsan.

Dowladda Imaaraadka ayaa safiirkeeda kala baxday Soomaaliya sababo la xiriiro heshiiska Berbera, inkastoo ay dib ka sheegtay inuu safiirka u baxay arrimo isaga u gaar ah oo aysan iyada amrin inuu halkaas kasoo tago.

Ugu dambeyntii Dowladda Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa inay go,aan cad oo ku saabsan arrintaas halista ah soo saarto halkii la la diyaarin lahaa mooshin ka hadlayo arrintaas, waxayna u muuqataa dafiicnimo iyo cabsi jirto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com