Maxaadan ogeyn oo saaka lagu arkay xeebta Curubo ee Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saaka inta u dhaxeysa Xeebta Curubo iyo Sugunto Liido ee degmada Shingaani, lagu arkay Meydka nin da’ ah.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Meyda ninkaasi lagu soo baraarugay aroortii hore ee Saaka waxa ayna tilmaameen in Jirkiisa uu ka badqabo rasaas iyo dhaawac kale.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay in da’da ninkaasi ay ku dhow dahay ilaa 50 Jir, balse uu iminka yahay mid aan la aqoonsan karin Meydka.

Dadka qaar ayaa sheegaya inay u badan tahay in ninkaani ay badda qaaday kadibna ay dib usoo tuftay.

Ciidamada booliska ee degmada Shingaani ay gaareen halka lagu arkay meydka ee agagaarka xeebta Curubo.

Ma jirto cid ilaa iyo hadda aqoonsatay Meydka Marxuumka ee yaala inta u dhaxeysa Xeebta Curubo iyo Sugunto Liido ee degmada Shingaani.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com