26.6 C
Mogadishu
Sunday, March 15, 2026

Dhageyso: Siilaanyo oo bil kadib kusoo laabtay Hargeysa (Maxaa ka jira in qalliin lagu sameeyey?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxwaynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa kadib afar toddobaad oo uu ku maqnaa dalka Imaaraadka Carabta maanta dib ugu soo laabtay magaaalada Hargeysa.

Madaxtooyada Soomaaliland ayaa faahfaahisay ayaa kadib imaatinkii Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ka jawaabtay wararka sheegaya in qaliin loogu sameeyay isbitaal ku yaalla Wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Aadan Cige Deyr, oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in warkaas uu yahay mid been abuur ah, islamarkaana howlo gaar ah uu u tegay Imaaraadka si nabad ahna uu ku soo laabtay.

Si kastaba, waxaa is-weydiin mudan sababta madaxweyne maamul uu mudd bil ah ku maqnaan karo, haddii aysan jirin sabab ku qasabtay.

Warbaahinta qaarkood iyo Baraha Bulshada ayaa Maalmahaan lagu qorayay in xaalada Caafimaad ee madaxweyne siilaanyo ay halis ku jirto islamarkaana uu jiifo isbitaal ku yaala Imaaraadka Carabta.

Hoos ka dhageyso Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Aadan Cige Deyr.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News