27 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

DHAGEYSO: Siyaasi arrintii ka dhacday Hotellada Muqdisho xog ka bixiyey

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalin ka hor ayaa waxaa soo shaac baxday in Hoteello ku yaalla magaalada Muqdisho laga saaray qaar ka mid ah xubnihii ka qeyb galay shirkii Muqdisho ee looga hadlaayay aayaha gobalada Jubooyinka iyo Gedo.

Xubnahaas, ayaa waxa ay sidoo kale isku diyaarinayeen inay u dhaqaaqaan magaalada Kismaayo, oo wejiga labaad ee shirkaas uu ka furmo.

Illaaa dhowr iyo toban qof oo isugu jira siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeeda Jubbooyinka ayaa ay saameysay arrintan, waxaana la sheegay in talaabadan ay ka dambeysay dowladda Somalia.

Axmed Maxamed Dhalcadde waxa uu ka mid yahay xubnihii siyaasiyiinta ahaa ee hoteelada laga soo saaray, waxaana uu bixiyey xog ku saabsan qaabka ay wax u dhaceen iyo sida iminka xaalkoodu yahay.

Dowladda Soomaaliya ayuu ku eedeeyay inay jabisay heshiis uu sheegay in horay ay u kala galeen, waxaana uu dowladda sidoo kale ku eedeeyay inay la saftay maamulka KMG ee Jubba.

HALKAN HOOS KA DHAGEEYSO WAREYSIGA

Z0000026

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News