Minneapolis (Caasimada online) Banaanbaxaan oo ay kasoo qeyb galeen dhalinyaro iyo haween Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa waxay kaga dalbanayeen dowlada Mareykanka inay cadaalada hor keenaan dadka ka dambeeya dilka dhalinyarada Soomaaliyeed.
Qaar kamid ah dadka banaanbaxaya dhigayay ayaa ku qeylinayay erayo ay kamid yihiin waxaan doonaynaa cadaalada, waxaan doonaynaa sharciga in la horkeeno dadka ka dambeeya dilalka Soomaalida.
Sidoo kale dhalinyarada ayaa ku dhawaaqayay “joojiya dilka joojiya toogashada” kadib markii marar badan dhalinyaro Soomaaliyeed lagu dilay gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.
Maalintii shalay ayay aheyd markii wiil Soomaali ah lagu dilay xaafada Lantern Drive ee magaalada Columbus ee gobolka Ohio oo dalka Mareykanka ah, iyadoo aan la ogeyn sababta dilkaasi ka dambeysay.
Wiilkaasi ayaa waxaa dilay seddex ruux oo madow ahaa kuwaasi oo aan la ogeyn waxay ahaayeen, waxaana ay ka baxsadeen goobta markii dilka ay geysteen kadib, sida dadka Soomaalida ee ku sugan gobolka ay sheegeen.
Halkaan Hoose ka dhageyso codka Somalia Banaanbaxeysa
Halkaan ka dhageyso Somalida banaanbaxa dhigtay
Caasimada online
Xafiiska Minneapolis

