Dhageyso: Somalida Canada oo warar yaab iyo naxdin leh laga soo sheegay

Toronto (Caasimada Online) – Magaalada Toronto ee dalka Canada waxaa todobaadkan lagu dilay wiil Soomaaliyeed oo 16 jir ah, waxaana dilkaasi lagu eedeeyay wiil kale oo Soomaaliyeed oo isna 14 jir ah.

Waxaana magaalada ku soo badanaya dilalka dhalinyarada Soomaalida ah, iyada oo la sheegay in hub fara badan uu gacanta u galay dhalinyarada.

Dalka Canada waa mid ka mid ah dalalka ugu hodansan caalamka, uguna yar marka ay timaado dilalka rayidka, waxaana la yaab leh in Soomaalidan ay ayaga un isku dilayaan dal ay usoo doonteen nolol ka wanaagsan tii hore.

Arrimahaasi ayaa waxa VOAda uga warramay Muuse Cabdulle Kuulow, oo ah tifaftaraha wargaysyada Immigrant Post iyo Somali Tribune iyo idaacadda Soomaalida ee Radio Alif ee dalka Canada.

Waraysiga oo dhamaystiran hoos ka dhegayso.