Dhageyso: Taageerayaasha Farmaajo ee baraha balshada oo billaabay arrimo naxdin leh

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhalinyaradii baraha bulshada ka taageeri jirtay Madaxweyne Farmaajo ee loo bixiyey CBB (Cayayaanka baraha bulshada) ayaa la soo baxday wejiyo cusub, kadib markii dhowaan xukunka dalka looga guuleystay Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Waxaa maalmahaan baraha bulshada aad loogu faafiyey muuqaalo ay iska soo duubeen dhalinyada CBB, kuwaas oo caro badan ay ka muuqato, qaarkood waxay ku guudinayaan inay is qarxi doonaan, halka qaar kalena ay wacad ku marayaan in Muqdisho ay gubi doonaan.

Waxay baraha bulshada ka billaabeen baaqyo ku aadan in wax la dilo, qaraxyo la sameeyo, la beegsado madaxda dowladda cusub, islamarkaana la gubo suuqyada Muqdisho, waxaana yaab leh in kadib baaqyadan uu gubtay suuqa Banaadir ee Muqdisho.

Waxay falalkan ugu baaqayaan in dowladda cusub la geliyo marxalad adag, si aysan u hanaan maamulka dalka.

Dhalinyaradaan oo ku kala sugan dalka iyo dibadiisa qaarkood Farmaajo waxay ugu yeeraan Aabe, waxayna horay ugu caan baxeen caayda siyaasiyiinta, balse hadda waxay wajahayaan xaalad quus ah.

Qaar kale waxay sii wataan dacaayadaha ay ka faafinayaan madaxda cusub ee dowladda Soomaaliya, halka qaarna ay maalin kasta oohin iyo baroor la soo fariistaan barahooda gaar ah ee Social Media-ha.

Dadka taageera Farmaajo waxay u badan yihiin dhalinta ku foogan aaladaha Social Media-ha, haba u badnaadaane TikTok-ga, hadda markaad u fiirsato afkaartooda waxay muujinayaan xaalad quus ah, waxay aad uga naxeen guul darradii Farmaajo ee doorashadii dalka, qaarkood waxay habaarayaan dalka, dadka iyo dowladnimada Soomaaliya, waxayna muujinayaan inay jeclaan lahaayeen in hadii Farmaajo xukunka ka tegay aysan dowladnimo ka dambeyn.

Waxaa cajiib ah, sida ninkaan uu maskaxda uga degay inta badan, caamada, caruurta, haweenka iyo dhalinyarada soo hana-qaaday sanadahaan ee wax kala fahantay wixii ka dambeeyey markii la doortay Farmaajo, 2017-kii.

CBB waa magac uu bixiyey siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaa la yiraa dhalinyaro badan oo aad Social Media-ha uga taageerta Madaxweyne Farmaajo, intooda badan waxaa la sii jiray san-dareerto ay siyaasiyiinta kale ku caayaan, kuna buun-buuniyaan dacaayada ay soo maleegaan kooxdii xukunka joogi jirtay ee Farmaajo.

Waxay u sameysan yihiin guutooyin ku xariira groupyo WatsApp ah, balse hadda waa ka soo xirmay Jabterkii biilka Farmaajo, waxayna dhalintaasi wayahaysaa quus aan horay u soo marin wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed.

Dowladda cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh caqabadaha ugu horeeya ee qabsa doona waa dacaayadaha CBB, kooxahaan dhalinyarada ah ee aadka u qabatima inay dacaayado ku faafiyaan barahooda gaarka ah ee Social Media-aha, waxay badankood aaminsan yihiin in dowladnimada dalka aysan ka dambey doonin Farmaajihii xukunka looga guuleystay.