Dhageyso: Taliyaha xogga dalka oo shaaciyey shaqsiyaad si been ah u dalacay iyo tallabo uu ka qaadayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xagga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa ka hadlay dalacsiin badan oo ka dhacday gudaha ciidamada Xoogga Soomaaliya isago ka dhawaajiyey inaan arrintaas la iska yeeli doonin lana xisaabtami doono.

Maxamed Aadan ayaa ka dhawaajiyey inay maalmihii ugu dambeysay maqlayey inay dhaceyn dalacsiin aan wadadii saxda ah loo marin taasna aysan xaq aheyn wuxuna yiri:

“ Imtixaan ayaan idin marin doonaa idinkama yeelayo in si been ah la isku dalacsiiyo, qofkii kasoo baxo imtixaanka ayaa noqon doono xidigle”

“ Waxaa jirto 250 dibadda kusoo qaadatay Leeli Sarkaa soona maray wadadii saxda aheyd sidaasna waxay ku noqdeyn Saraakiil, marka ilaahaa idinku dhaariyaya macquul miyaa inuu qof 3, 4 ilaa 6 sano ku qaadato inuu xidigle noqdo qofna uu hal habeyn ku qaato”.

“ Waan Idin Imtixaani doonaa, diyaar noqda markii la idiin yeero, waa inaad soo martaan wadada saxda ah ee la isku dalacsiiyo” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey Taliyaha.

Taliyaha ayaa hadalkaan kasoo jeediyey kulan looga tashanayey sidii loo dardar gelin lahaa ciidamada Xoogga Dalka waxaana kasoo qeyb galay saraakiil badan oo ka tirsan ciidamada Xooggaa Dalka.

Haddaba halkaan hoose ka dhageyso hadalkii uu taliyaha ka jeediyey kulankaas isagoo ay ka muuqatay xanuun

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com