Maxaad ka taqaanaa safiirka cusub ee Itoobiya usoo magacawday Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa xaqiijinayo inay dowladda Itoobiya usoo magacawday Sagiir iyo ergey gaar ah oo u matali doono Soomaaliya xilli dhawaan la filayo in laga raro safaaradeeda gudaha Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Dowladda Itoobiya ayaa is badal ku sameysay safirkii Soomaaliya u fadhin jiray waxayna si rasmi ah Soomaaliya ugu soo magacawday Jamaaludiin Mustafa Cumar oo ah shaqsi kasoo jeedo deegaanada Soomaalida ee Itoobiya.

Sidoo kale Jamaaludiin ayaa ahaa safiir ku xigeynkii Itoobiya ee safaaradda Soomaaliya wuxuuna markii sameeyey sare u kac iyadoo laga dhigay safiirka iyo ergeyga gaarka ah ee Itoobiya u qaabilsan Soomaaliya.

Sidoo kale ninkaan ayaa asal ahaan ah Soomaali Itoobiyaan waxayna kusoo aadeysaa magacaabistaan xilli ay Soomaaliya ka dhacday isbadal siyaasadeed oo weyn iyadoo meesha laga saaray Xasan Shiikh Maxamuud oo ay Itoobiya aad isugu dhawaayeen.

Soomaaliya hadda waxaa madaxweyne ka ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ah shaqsi aysan isku fiicneyn Itoobiya sidoo kalana ay ka go’an tahay inuu dhiso ciidamo ay leedahay Soomaaliya oo awood leh taasina waa midda ay sida weyn uga soo horjeedo dowladda Itoobiya oo aan marnaba rabin inay aragto Soomaaliya oo cagaheed isku taagtay.

Weli lama xaqiijin haddii uu madaxweynaha Soomaaliya waraaqaha ka guddoomay safiirkaan cusub iyo haddii kale wixii warar ah ee kusoo kordhana Inshaa Allah waan idinla soo socodsiin doonaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com