Kheyre “Ceybtii aan ku xaman jirnay kuwii naga horeeyay leyguma xaman doono”

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa mar kale ku adkeystay in Xukuumadiisu ay laali doonto dhammaan dhaqanadii xumaa ee laga bartay Xukuumadihii hore.

Mr Kheyre waxa uu sheegay in Xukuumadiisu ay cuuryaamin doonto shaqsiyaadka ku sifoobay Musuqa iyo Khilaafka waxa uuna tilmaamay inaan lagu xaman doonin wixii ay ku xaman jireen kuwii isaga ka horeeyay.

Waxa uu sheegay inaan laga raali noqon doonin shaqsiyaad ka tirsan Dowlada oo ku mashquula Hantida Qaranka kuwaasi oo uu sheegay inay ka sifeyn doonaan Xarumaha Dowlada.

”Waxaan ka dhabeynayaa inaan ciribtiro dhammaan shaqsiyaadka ku sifoobay musuqa ee ka dhex shaqeeya Xarumaha Dowlada hadda ayaan sheegayaa inaan isla shaqeyn doonin kuwa noocaasi ah”

Waxa uu sheegay Xukuumada uu soo magacaabayo maalmaha soo aadan in ay ka shaqeyn doonto ilaalinta Hantida guud ee Qaranka, isagoo dhanka kale shacabka ugu baaqay in ay la socdaan Hantida Qaranka, si looga hortago ku takri fal.

Kheyre ayaa sheegay in Xukuumadihii hore ay ku xaman jireen Musuqa iyo ku tagrifalka Hantida Qaran waxa uu taa bedelkeeda sheegay inaan Xukuumadiisa lagu xaman doonin waxyaabihii lagu xantay kuwii hore.

Haddalka Kheyre ayaa imaanaya iyadoo Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo dhawaan sheegay inaysan fiirsan doonin musuq iyo ku tagrifal Hanti Qaran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com