Xog-warran: Maxaa ka jiro in R/W Kheyre uu Farmaajo u gudbiyey liiska wasiirada cusub?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee ka imaanayo Xafiiska Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegayo inuu Ra’isulwasaraha ugu dambeyn dhameystiray liiska golihiisa wasiirada.

Ra’isulwasaaraha ayaa lasoo sheegayaa inuu madaxweynaha Soomaaliya u gudbiyey liiska golaha wasiirada oo dhameystiran si uu isaga u saxiixo fikirkiisana ugu darsado inkastoo ay jiraan warar kale oo sheegayo in weli ay jiraan beelo Soomaaliyeed oo aan weli ku qancin golaha wasiirada.

Ra’isul wasaaraha oo inta badan xubnaha Golahaasi diyaariyay ayaa la sheegayaa in caqabad uu kala kulmaayo Beesha Xawaadle oo ku dhagan Wasaarad gaar ah.

Ugaaska Beesha Xawaadle ayaa la sheegay  inuu yahay sababta ugu weyn ee hor taagan in golaha wasiirad lagu dhawaaqo kadib markii uu ku gacan seyray wasaarad loo qorsheeyey beeshiisa.

Ugaaska ayaa dalbaday in Beeshiisa lasiiyo Wasaarada Arrimaha Gudaha ama Amniga, waxa ayna arrintaasi sababtay in Ra’isul wasaaraha uu dib u bilaabo qancinta Beesha Xawaadle.

Haddii Uu Ra’isulwasaaraha ku guuleysto qancinta beeshaan waxaaa la filayaa inuu dhameystiro golihiisa wasiirada sidaasna uu madaxweynaha ku saxiixo liiskaas oo ay rajeenayaan inuu yahay midkii ugu haboonaa ee lasoo magacaabo.

 Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com