Dhageyso: Thaabit ”Hal wado ayay isticmaali doonaan Gawaarida Xamuulka”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay wadooyinka xiran ee magaalada Muqdisho iyo weliba sida uu maamulka Banaadir ka yeelayo gaadiidka waaweyn.

Duqa magaalada Muqdisho oo maanta ka hadlayay Radio Muqdisho ayaa sheegay in uu socdo qorshe la xiriira in dib loo furayo wadooyinka xiran ee Muqdisho oo ay ka mid tahay wadada ka timaada Tarbuunka iyo weliba jidcadayaasha kale ee xiran.

Waxa uu qiray in ay jiraan Wadooyinkaas xiran isaga oo tusaalo u soo qaatay Wadada Tarabuunka iyo kuwo kale oo muhiim ah oo ay degan yihiin Safaarado balse qorshuhu yahay sida uu sheegay in dib loo furo.

Dhan kale waxa uu Gudoomiye Thaabit ka hadlay xadeynta Gawaarida nooca xamuulka qaada ee Habeen iyo Maalin mara Wadooyinka Muqdisho, iyo cabsida Shacabka kaga timid tan iyo wixii ka dambeeyay markii 14 Bishaan Gaari Weyn uu ku qarxay Isgoyska Zoobe kaas oo dhaliyay khasaaro badan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Gawaaridaas loo sameyn doono Wadooyin gooni ah oo ay isticmaali doonaan sida uu hadalka u dhigay.