Fallanqeyn: Maxaa xigi doona doorashada Kenya ka dib?

Nairobi (Caasimada Online) – Doorashada isku celiska ah ee madaxtinimada Kenya ayaa la qabtay, laakin ifafaalaha durba soo muuqanaya ayaa ah in tirada dadka u soo baxay ay aad uga yar tahay codbixintii hore ee ay baabi’isay maxkamadda sare.

Sharci ahaanshaha doorashadan ayaa su’aal laga keenay ka hor intii aysanba billaaban codaynta, laakin haddii 46%-ka u codaysay mucaaradka markii u dambaysay aysan u soo bixin doorashada, qaabka ay wax u socdaan oo dhan ayaa noqonaya mid la halleeyey.

Kisumu, sida qaybo kale oo ka mid ah galbeedka Kenya, waxaa xoog ku leh mucaaradka, codad dhowr ah – haddiiba la dhiibtay – ayaana halkaasi laga riday.

Sarkaalka guddiga doorashada ee jooga halka loogu tala galay in codadka lagu tiriyo ee bartamaha Kisumu, wuxuu u muuqday sidii qof meel cidlo ah jooga.

Isaga iyo laba sarkaal oo kale oo guddiga ka tirsan , oo qayb ka ah 400 oo shaqaale oo doorashada maamuli lahaa, ayaa soo shaqo tegey.

Sanaadiiqdii cod bixinta ayaan la keenin ilaa 7-dii subaxnimo.

Inkastoo 3 sarkaal oo ka tirsan IEBC ay dhabarka u riteen inay qalabkii codbixinta dul saaraan sanduuq kasta, haddana ma jirin cid u qaadda xarumaha codbixinta ama muraaqibaysa doorashada.

Xitaa haddii ay jireenna, waxay u badan tahay in aan loo ogolaadeen inay galaan dhismayaal kala duwan oo magaalada ku yaalla oo codaynta loogu tala agalay.

Sababtu waxay ahayd cabsi gelin

Darawallada gaadiidka xamuulka ma doonayaan inay khatar isku galiyaan qaaditaanka sanaadiiqda ama warqadaha codaynta, bacdamaa dhallinyaro jirri (mooryaan) ah ay waddooyinka meeraysanayaan, ayagoo u hanjabaya cid walba oo lala xiriiriyo inay isku daydo in codbixintu dhacdo.

Waddooyinka waaweyn ee Kisumu waxaa xiray dhagxan iyo taayarro gubanaya oo ay ag joogaan dhallinyaro ulo sita.

Waxay ku qaylinayeen ereyo ka dhan ah Kenyatta, waxayna ka ashtakoonayeen in boolisku ay rasaas nool-nool iyo gaaska illinta keena ku rideen.

Maalintii oo dhan waxaa is eryanayey ayaga iyo ciidanka amniga; dhagxan iyo fargan dhinac ah iyo gaaska illinta keena iyo mararka qaar rasaas kor loo ridayo oo dhinaca kale ah ayaa socday.

Laakin waxaa jiray dhaawacyo badan oo rasaaseed, ugu yaraanna hal qof ayaa la dilay.

George Odhiambo oo 19 jir ah ayaa isbitaalka la geeyey isagoo lug ka dhaawacnaa, wuxuuna geeriyooday markii uu dhiig badan ka baxay.

Markii maxkamadda sare ee Kenya ay baabi’isay doorashadii madaxtinimada bishii Agoosto, waxaa go’aankaas loo arkay guul u soo hoyatay madax banaannida garsoorka, iyo dimoqaraadiyaddii Afrika oo shaqaysay.

Labadaba waxay la hungoobeen dhacdooyinkii ka horreeyey codbixinta.

Rasaas

Maxkamadaha waxaa mashquuliyey sidii ay ula tacaali lahaayeen eedaha iyo eedaha ku liddiga ah, laakin laba arrimood ayaa ka soo muuqanaya doorashada labaad, kuwaasoo shidaal u noqonaya sheegashada inay qayrul-sharci tahay.

Midda hore waa rasaas badan oo dhaawac ba’an gaarsiisay waardiyihii ku xigeenka guddoomiyaha maxkamadda sare, laba habeen ka hor doorashada.

Tan labaadna waxay tahay in xaakimiinta maxkamadda sare aysan doonayn inay shaqo tagaan.

Waxa weeye mid aan la yaab lahayn in gabadha qaaddiga ah, Philomena Mwilu, aysan maxkamadda imaan subixii ku xigay markii gaarigeeda rasaas lala dhacay.

Nasiib wanaag, wakhtigaas gaariga ma aysan saarnayn.

Waxaa si cad loogu fasirtay in khatar aad u ba’an ay nafteeda gashay – isku day cad oo la doonayey in lagu baqdin galiyo xaakimka labaad ee ugu sarreeya dalka. Wayna shaqaysay.

Guddoomiyaha maxkamadda sare, David Maraga, wuxuu raalli galin siiyey dhinacyadii isu yimid ee doonayey in maxkamaddu joojiso dib u qabashada doorashada madaxweynenimada, ka hor maalinta codaynta.

Ma aysan awoodin inay kiiska dhagaystaan sida uu sheegay, maadaama tiradii lagu fariisan lahaa aysan dhammayn.

Shan ka mid ah todobada xaakim ee maxkamadda ayaa loo baahan yahay inay joogaan, si go’aanka la gaaro uu u noqdo mid meel mara, laakin laba kaliya ayaa maalintaas soo xaadiray.

Philomena Mwilu suurtogalba uma ahayn inay maxkamadda timaado”dhacadadii qabsatay habeenkii ka horraysay darteed” ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda sare.

Xaakim Maxamed Ibraahim in muddo ah ayuu xanuunsanayey, dalkana wuu ka maqan yahay.

Gabadhja xaakimka ah, Njoki Ndung’u “suurtogal uma ahayn inay dib ugu soo duusho Nairobi wakhtigii loo baahnaa” xaakimiinta Ojwang iyo Wanjala-na “uma suurtogalin inay maxkamadda yimaadaan” ayuu yiri isagoo aan wax sharraxaad ah bixin.

‘Way adag tahay in la damaanad qaado’

Maxkamadda ugu sarraysa dalka – oo haysata fursad ay xukun uga gaarto iska hor imaanshaha sharciga doorashada, dastuurka, iyo tafsiirka kala duwan ee laga bixiyo – gadaal ayey u degtay, waxayna ogolaatay in doorashadu dhacdo ayadoo aan dood kale la galin.

Kiiska waa la hakiyey – shaki kuma jiro in dib loo eegi doono, laakin waa goor dambe.

Ka dib markii kalsoonidii lagu qabay IEBC ay shaki galisay guul darraysigoodii markii hore, ayey u eg tahay inaysan u badnayn in tiro badan oo dad dad ah ay aqbali doonaan natiijada doorashadan ku celiska ah.

Todobaadkii hore ayey ahayd markii guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati uu yiri “way adag tahay in la damaanad qaado “doorasho xor iyo xaq ah oo la isku hallayn karo”.

Laakinse, sidaas oo ay tahay wuxuu ku dhawaaqay in doorashadu dhici doonto “taasoo ku salaysan ballanqaadka guddiga la siiyey” ee amniga iyo horumarka la sameeyey ee lagu xaqiijiyey in codayntu noqonayso xor iyo xaq.

Meelo badan oo dalka ah way ka dhacday – shaki ma lahayn oo meelaha uu xoogga ku leeyahay xisbiga talada haya codad badan ayaa la diiwaan galiyey, laakin si guud marka loo fiiriyo, tiraduaad bay u hoosaysay.

Tirada yar ee soo baxday, ayaa dhinaca kalena waxaa sare u sii kacaya codka mucaaradka.

Ayadoo meelaha mucaaradka ay ku xooggan yihiin aan la doonayn in laga codeeyo, iyo sida muuqata oo laga hor istaagayo dadka kale inay sidaa yeelaan, ayaa Kenya waxay ka dhigaysaa mid hubaal la’aan ku jirta.

BBC

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com