Muqdisho(Caasimada Online)- Iyadoo goordhow saxaafada ay la hadleen qaar kamid ah wasiir ku xigeenada xukuumada Soomaaliya ayaa Caasimada Online Waxaa u suurto gashay inay wareysato mid kamid ah wasiir ku xigeenada dalbaday in ra’iisul wasaaraha xafiiska uu baneeyo.
Wasiir ku xigeenka Macdanta iyo badroolka Maxamed Cumar Geedi ayaa sheegay inay u nasteexeynayeen ra’iisul wasaaraha maadaama waqti badan uu jiitamayo khilaafka kala dhaxeeya madaxweynaha.
Wuxuu sheegay in loo baahan yahay dadka inay is xisaabiyaan ka hor inta aan la xisaabin, sidaasi daraadeedna ay dalbanayeen in wasiirka koowaad ee xukuumada uu xilka isaga dago.
Hoos ka dhageyso wareysiga