32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

17 Wasiir xigeeno oo R/W CABDI WELI ka dalbaday is-casilaad + Magacyada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho(Caasimada Online)- Shir jaraa’id oo goordhow saxaafada magaalada Muqdisho ay ugu qabteen wasiir ku xigeeno dhowr ah ayay waxay ugu baaqeen ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya inuu iska casilo xilka wasiirka koowaad ee xukuumada Soomaaliya.

Caasimada Online ayaa heshay qaar kamid ah wasiir ku xigeenada la saftay madaxweynaha dalka Soomaaliya, kuwaasi oo warqada u gudbiyay gudoomiyaha baarlamaanka iyo ra’iisul wasaaraha dalka.

Aqriso magacyada wasiir ku xigeenada

C/raxman Maxamed Saalax (Bandam) wasiir ku xigeenka arimaha gudaha iyo Fedaraalka.

Cabdalla Xuseen cali wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga

Mahad Maxamed Salaad wasiir ku xigeenka arimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga

Ibraahim Yarow Isaaq wasiir ku xigeenka amniga qaranka

Yuusuf Xayle Jimcaale Wasiir ku xigeenka Diinta iyo Owqaafta

C/laahi Colaad Rooble wasiir ku xigeenka warfaafinta

Xirsi Aaden Rooble wasiir ku xigeenka Gaadiidka iyo duulinta Hawada

Cusmaan Libaax Ibraahim wasiir ku xigeenka Beeraha

Cabdi Kaafi Macalin Xasan wasiir ku xigeenka Tamarta iyo Biyaha

C/raxman Cabdi Cusmaan wasiir ku xigeenka ganacsiga iyo warshadaha

C/casiis Xasan Maxamed wasiir ku xigeenka Kaluumaysiga Kheyraad ka Badda

Cabdalla Xaaji Cali wasiir ku xigeenka shaqada iyo arimaha bulshada

Maxamed Cumar Geedi wasiir ku xigeenka Macdanta

Sidoo kale waxaa jiro wasiiro dowlayaal kale oo iyagana ka dalbaday inuu iska casilo ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News