Dhageyso Wareysi: Maxay tahay ujeedada loogu magacaabay C/raxmaan C/Shakuur safiirka QM?

Muqdisho (Caasimada Online) – C/raxmaan C/shakuur, wuxuu ahaa ninkii Cumar Cabdirashiid kala qeyb qaatay iibsiga qeybo kamid ah Badda Soomaaliya isagoo ka faa’iideysanayay wasaaraddii uu ka hayay xukuumaddii kowaad ee dowladdii Shariif ee ahayd, qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga.

C/raxmaan C/shakuur oo maalmo ka hor loo magacaabay Danjiraha DF u fadhiya xarunta Qaramada midoobay, ayaa waxaa laga cabsi qabaa inuu kusii fogaado Siyaasada uu ku iibgeynaayo dalka Somalia.

Madaxweyne Xassan oo cadaadis xoogan kala kulmay Beesha Caalamka, ayaa waxaa suuragashay inuu ogolaado shaqsiga kaalinta Koowaad ka galay Heshiiskii lagu iibgeynaayay Badda Somalia, waxa ayna dadku iminka is weydiinayaan baahida keentay in Abaal marin C/raxmaan C/shakuur looga dhigay xilkaasi.

Aqoonyahan Abdulkadir Cali Yarow oo arrinta magacaabista Danjiraha uga waramaayay Idaacada Al-Furqaan, ayaa sheegay in Cabdiraxmaan oo dan jire laga dhigay iyo Cumar oo hadana Ra’isul wasaare ah ay ka turjumeyso in Madaxweyne Xassan uu doonayo in dalka intiisa kale ay iibiyaan.

Waxa uu sheegay aqoonyahaankaasi in Hadafka loo magacaabay C/raxmaan C/shakuur uu yahay in qeybo dalka kamid ah laga iibiyo Dowlada Ethiopia oo iminka dhowr Gobol ka heysata dalka Somalia.

Arrinta kaliya loo magacaabay C/raxmaan C/shakuur ayuu sheegay inay tahay kaliya in Beesha Caalamka laga dhaadhiciyo in lasoo afmeero beeca socda, waxa uuna rajo xumi ka muujiyay qaabka ay u socto Siyaasada Somalia.

Dhanka kale, Umadda Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inay isha ku hayaan qaabka ay ku socto Siyaasada Somalia oo uu ku tilmaamay mid dhinac u raran.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com