Dhageyso wareysiga qaar mid ka mid ah dadkii ay afduubatay Al-Shabaab oo soo baxsaday

Beledweyne (Caasimada Online) – Mid kamid ah dad ay Al-Shabaab ka afduubatay deegaano ku teedsan magaalada Beledweyne oo kasoo fakaday kooxda ayaa shaaciyay in beegsi gaar ah ay ku bilowday Al-Shabaab dadka kasoo jeeda beesha Xawaadle.

Ninkaan ayaa sheegaya in markii ay afduubanayeen dagaal-yahaanada Al-Shabaab u geysteen jirdil xoogan, islamarkaana ay xoog uga kaxeeyeen beerahooda oo ay xiligaas abuur ku wadeen, sida uu sheegay.

“Qoladii cadowga ayaa gacanta u galay waa ka fakaday, indhaha ayey naga duubeen oo waa na-jirdileen. 21 qof ayaa aheyn 4 ayaa ku fakanay oo waxa ka fakanay Dhoqor meesha la yiraahdo. Waxay naga qabteen beeraheena oo aan ka shaqeynaynay,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Meel beer moos ah ka dhaweyd ayaa ku daadanay, marka xabado ayey nagu rideen oo mooskii ayaa hoos ugu dhex guur-guuranay. Baardheere ayaa iskugu imaanay.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in tirada guud ee maalmihii dambe ay Al-Shabaab ka afduubatay beesha Xawaadle ay tahay illaa 42 qof.

“Waxay nagu yidhaahdeen Xawaadle waa noo kala dhamaatay, qaar dagaal uu nagula jira, kuwana beer uu iska abuurana. Waxa aan rabno ayaa idinka sameynayna ayay na-dhaheen, Ilaahay mahadii waa kasoo fakanay anaga.”

Ugu dambeyntiina waxa uu dalbaday in lagu garab siiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, oo uu sheegay in uusan kala dhaxeyn wax aan dagaal aheyn, maadama ay bilaabeen beegsida dadkiisa.

Arrintaan ayaa banaanka usoo saareysa in Shabaab ay qorsheysanayso sidii beelaha qeybta ka ah dagaalka ka dhan ah loogu qasbi lahaa inay ka baxaan safka hore ee dagaalka, maadama ay billowday afduub ay kula kaceyso dadka beelahaas kasoo jeeda ee aan hubeysneyn.