ERDOGAN oo safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab dayib Erdogan ayaa Ibrahim Mete Yagli u magacaabay safiirka Turkiga ee Soomaaliya, kaddib markii madaxweynaha uu saxiixay wareegto uu isku shaandheyn ugu sameeyay safiirada caalamka.

Safiirka cusub ayaa beddeli doona Mehmet Yilmaz oo tan & sannadkii 2018 shaqadaan hayay, waxaana lagu xasuusan doonaa Yilmaz kor u qaadista xiriirka labada dal iyo kordhinta tirada ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata waddanka Turkiga.

Ibrahim Mete Yagli oo ah diblumaasi xirfadeed oo ku biiray Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga 1986 ayaa sidoo kale waxa uu soo qabtay jagooyin dhowr ah gudaha iyo dibadda, oo ay ku jiraan ku-xigeenka koowaad ee safaaradda Poland iyo Agaasinka guud ee arrimaha dhaqaalaha ee wasaaradda arrimaha dibadda 2008.

Yagli ayaa la filayaa inuu Muqdisho soo gaaro bishan Janaayo si uu warqadihiisa aqoonsiga ugu gudbiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa leh xiriir aad u wanaagsan oo diblumaasiyadeed, dhaqaale, militari iyo mid siyaasadeed tan & horraantii 2010-kii.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in Ankara ay Muqdisho ku leedahay dhismaha safaaradda ugu weyn adduunka, taasi oo uu madaxweyne Erdogan furay sannadkii toban sanno kahor.