CIIDAMO badan oo lasoo dhoobay Muqdisho kadibna xiray jidadka + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Waddooyinka magaakada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa saaka la soo dhoobay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda, gaar ahaan kuwa loo yaqaano Goofi Gaduuda ee ilaaliya xarunta madaxtooyada iyo madaxda qaranka.

Shacabka reer Muqdisho ayaa kusoo waabariistay ciidamadan oo la soo dhigay jidadka muhiimka ah ee caasimada, sida Maka Al-Mukaramaya, Tarabuunka iyo jidad kale.

Ciidamadan oo wata gaadiidka gaashaaman ee dagaalka idoo kale mar dambe hakiyay dhaq-dhaqaaqa waddooyinkaasi, si loo xaqiijiyo amniga.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dhaq-dhaqaaqan cusub ayaa ku aadan booqasho uu madaxweynaha Soomaaliya ugu tegayo qaar kamid ah ciidamada laga keenay Eritrea ee ku jiro mid kamid ah xeryaha ciidan ee ku yaalla magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in uu khudbad u jeediyo ciidamadaasi oo loo diyaarinayo duulaan ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal, waxaana howlgallo culus ay ka socdaan inta badan gobollada dalka, kuwaas oo deegaano horleh looga qabsaday Al-Shabaab.

Si kastaba, madaxweynaha Soomaaliya oo shalay khudbad jeediyay ayaa shaaca ka qaaday in sanadkan cusub ee 2023-ka uu noqon doono sanadka xoreynta dalka.