SACIID DENI oo shaaciyay laba hab oo ay ku wajahayaan xiisadda Laascaanood

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo warbaahinta kula hadlay madaxtooyada Garoowe ayaa shaaciyay in Puntland ay diyaar u tahay xal millateri iyo mid siyaasadeed inay ku wajahdo xaalada ka taagan magaalada Laascaanood.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in siyaasiyiinta iyo waxgaradka reer Laascaanood looga baahan-yahay inay la yimaadaan qadiyad midaysan oo ku saabsan xaaladda taagan.

“Haddii ay Somaliland qaadan weydo baaqyada shacabka Laascaanood kasoo yeeraya ee ay ku dalbanayaan inay ka baxdo Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool, Puntland waxay diyaar u tahay tallaabo kaste oo suuragal ah inay qaaddo,” ayuu yiri madaxweyne Saciid Deni.

Deni ayaa waxa kale oo uu iska diiday dhaliil loo soo jeediyay oo ku saabsanayd inuu ku mashquulsan yahay arrimaha doorashada, xili magaalada Laascaanood uu ka taagan yahay qalalaase dad badani ku dhinteen.

“Waxba iskama quseeyaan doorashada iyo arrinta Laascaanood. Waxaa doorashada waji xumeynaya ururo aan dad haysan. Waxaa diyaar u ahay in aan qabto doorashada Golaha Deegaanka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay xili uu khilaaf badan ka taagan yahay doorashada qof iyo cod ee maamulkaasi.

Deni ayaa hore garab istaag ugu muujiyay dadweynaha reer Laascaanood ee dhigaya dibadbaxa, isaga oo Somaliland ugu baaqay inay ka waantoobaan ficilada guracan ee loo samaynayo in lagu cabudhiyo ama lagu xukumo dad usoo halgamay, welina u dhimanaya jiritaanka iyo midnimada ummada Soomaaliyeed.

Hadalkan ayaa imanaya xili ay weli sii socdaan rabshadaha Laascaanood, islamarkaana uu kordhay khasaaraha ka dhashay, ayada oo dhimashada ay gaartay 20 qof, sida ay shaaciyeen bahda caafimaadka.

Xaaladda Laascaanood ayaa u muuqata mid kasii dareysa, maadaama aan weli xal loo helin rabshadaha socda, waxayna shacabku sii wadaan dibadbaxa, halka ciidamaduna ay adeegsanayaan awoodooda, taasi oo kordhisay khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah.