Dhageyso: Wasiirka Amniga oo si cad u sheegay inaan Muqdisho lagu qaban karin shir aan fasax loo heysan

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abukar Islow (Ducaale) ayaa soo saaray awaamiir ku aadan in cid walba oo qabaneysa shirar laga doonayo inay warqad fasax ah ka heysato Wasaaradda Amniga iyo Gobolka Banaadir.

Islow Ducaale ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed laga doonayo inay u dhega nuglaadaan awaamiirta ay bixiyaan Ciidamada ammaanka.

Waxaa uu sheegay in shirar aysan ka warqabin dowladda, islamarkaana aysan fasixin in aan lagu qaban karin Muqdisho.

Waxaa uu sheegay ay muhiim tahay in si wadajir ah looga shaqeeyo Ammaanka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka Shacabka ah in ay isdejiyaan.

Hadalka Wasaaradda Amniga ayaa kusoo beegmaya xilli Ciidamada dowladda Weerar Khasaare dhaliyay ay xalay ku qaadeen Guriga Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Haddaba halkaan hoose ka dhageyso hadalka wasiirka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com