Dhageyso: Wasiirkii hore ee amniga oo farriin cajiib ah kaga tagay wasiirka cusub

Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ah wasiirkii hore ee amniga xukuumadda Cumar Cabdirashiid ee dhawaan xilka wareejisay ayaa dardaaran la yaab leh uga tagay wasiirka cusub ee hadda xilkaas la wareegay.

Maxamed Abuukar Islow ayaa dhagihiisa ku dhageesanayey dardarankii joo jeediyey ee ku saabsanaa  amniga dalka iyo qaraxyada markasta dhaco.

Cabdirisaaq ayaa kula dardaarmay Islow inuusan nixin haddii uu qarax ka dhaco Muqdisho iyo Guud ahaan, maadaama uu sheegay inay tahay arrin aan kaligiis khuseyn oo ay ka dhaxeyso dowladda Soomaaliya.

Inkastoo uu wasiirka cusub goobjoog u ahaa qaraxyo ka dhacay Muqdisho, haddana waxaa muuqatay inuu si taxadar leh u dhageystay dardaaranka loo soo jeediyey.

Qaraxii ugu horeeyey ayaa ka dhacay Maanta Muqdisho tan xilli dhawaan wasiirka la siiyey dardaarankaas, waxayna noqoneysaa arrin mudan inuu ka bixiyo jawaabta laga sugayo.

Qaraxaan Muqdisho ka dhacay ayaa maanta lala eegtay maqaayad Coffee laga cabo oo ku taal meel aan isagaa uga fogeyn wasaaradda Amniga xukuumadda Soomaaliya oo uu ku shaqeenayo wasiirka cusub.

Haddaba halkaan hoose ka dhageyso dardaarankii loosoo gudbiyey

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com