25.4 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Dhageyso: Xasan oo dalbaday in hada kaddib Axmed Madoobe loogu yeero…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay gaaray Kismaayo ayaa sheegay in Sheekh Axmed Madoobe oo ah madaxweynaha maamulka KMG-ka ah ee Jubba aan hadda laga billaabo la oran karin hoggaamiye, balse loogu yeerayo madaxweyne.

Xasan ayaa sheegay maamulka inuu la mid yahay maamullada dalka ka jira, waxuuna inta ku daray in loogu yeeri doono maamulka KMG-ah ee Jubbaland oo ah magacii uu ku dhismay, waxuuna sheegay in heshiiskii horay dowladda iyo Jubba ay u wada galeen qodobbo ka mid ah wax laga bedelay, isagoo xaqiijiyay in dowladda iyo maamulka Jubba uu xiriir wanaagsan iyo wada-shaqeyni ka dhexeyso.

“Maamullada KMG-ka ah ee dalka ka jira Jubbaland way ka mid tahay, waa maamul meel-ku-gaar ah, maadaama heshiiskii Jubbaland lagu aasaasay uu ahaa heshiis dowladda iyo maamulka ay wada-galeen, maanta marxaladihii hore waa ka soo gudbay, sidaas daraadeed magacii hoggaamiyaha ee aan heshiiska ku wada galnay, waa la bedelay, waxaana loogu yeerayaa wixii hadda ka dambeeya madaxweyne,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan oo saxaafadda Kismaayo kula hadlay waxuu sheegay in wixii ka dhiman maamulka Jubbaland la dhameystiri doono, isla markaana wixii ka dhiman ay wadatashi ku jiraan, ayna ku ballameen dhameystirkiisa.

Hadalka madaxweynaha ee ah in Sheekh Axmed Madoobe loogu yeero wixii hadda ka dambeeya madaxweyne ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee uu ku dhawaqo Xasan Sheekh, iyadoo aan la ogeyn qaabka xubnaha kale ay u fasiran doonaan.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa tibaaxaya in sababta arintan ka dambeysaa tahay maadaama madaxda Jubaland dood ka keeneen sababta Shariif Xasan oo hogaamiya maamulka kumeel gaarka ah ee koonfur galbeed loogu yeero madaxweyne, Axmed Madoobana loo oranayo hogaamiye.

Halkan hoose ka dhageyso Xasan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News