Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la kulmay xildhibaanada ka soo horjeeda mooshinka laga keenay Ra’iisul wsaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh Axmed.
Xildhibaanada oo kadib kullanka qabtay shir jaraa’id, ayaa waxay shaaciyeen in madaxweynaha uu ka aqbalay in Khilaafka Dowladda u dhexeeya lagu dhameeyo wada-hadal, lagana laaabto mooshinka.
Xildhibaan Ibraahim Ilkcase oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa uu sheegay in kulankii ay la qaateen Madaxweynaha looga hadlay sidii loo xalin laha khilafka, islamarkaana madaxweynuhu aqbalay in mooshinka la joojiyo, wax kastana lagu dhameeyo wada hadal.
“Shirka aan la yeelanay Madaxweynaha waxaa nagala qeybgalay Gudoomiyha baarmaanka Soomaaliya waxaana la isku raacay in wada hadalo la furo” ayuu yiri Ikacase.
Xildhibanka wuxu carabka ku dhuftay in Madaxweynuhu soo dhaweeyay baaqii dhawaan ka soo baxay Gudoomiyaha Baarlmaanka kaasoo ahaa inaan mooshin dambe la keenin, balse wada xaajood laga galo heshiiska.
Xildhibanka waxaa kale uu sheegay in gudi ka kooban 5 xildhibaan loo saaray inay Madaxweynha wadahadal la sii wadaan si oo xaliyo khilafka kala dhaxeeya Cabdi Weli.
Xildhibaanno Cabdi Barre Yuusuf Jibriil ayaa isna dhankiisa usoo jeediyay xildhibaannada mooshinka wada inay ka firsadaan qar ka mid ah hadallada ka soo yeerayo oo u ka soo qaatay xildhibaannada inay ku sheegen tiro yar,taasna waxuu ku sheegay inay gaftahay.
“Danta qaranka aanu hormarino ee yaanan noqon kuwo wasiir ama wasiir ku-xigeen raadinaya, saaxibada way nugu gafeen iyagoo nugu sheegay xildhibaanno tira yar aadban hadalka uga xunahay,”ayuu yiri xildhibaan Barre.
Cabdi Barre waxaa kalo uu sheegay madaxweynaha inay isla garteen sidii loo joojin lahaa mooshinka ay xildhibaannada wadaan,kaas oo u ku sheegay inuu yahay mid wax u dhimaya horusocodka dowladda.
Hoos ka dhagayso xildhibaannada
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]