DHAGEYSO XASAN SHEEKH: Puntland yaysan moodin in duulaan lagu yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa shalay Khudbad dhinacyo badan taabanaysa, waxa uu ka jeediyay shir ka dhacay madaxtooyada oo lagaga hadlayay maamul loo dhan yahay oo ay yeeshaan goballada Mudug iyo Galgaduud, halkaasi oo heshiis lagu gaaray.

Madaxweynaha ayaa sheegay in maamulka loo dhisayo Galmuduud iyo Mudug uusan ahayn mid duulaan ku ah Puntland, ama maamulkaasi lagu carqaladeynayo, balse uu yahay mid xal lagu raadinayo, isla markaana dadku ay yihiin walaalo isdhalay ama ehel isku ah.

Waxa uu tilmaamay in labada dhinac ay iska kaashan doonaan ammaanka iyo dhinacyo kale oo dan u ah bulshada labada dhinaca.
Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Cabdiweli Gaas ayaa weli wax war ah ka soo saarin hadalka madaxweynaha galabta uu ka sheegay magaalada Muqdisho iyo dhismaha maamulka cusub ee bartmaha Soomaaliya.

Halkan hoose  ka dhageyso Xasan Sheekh

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com