Maxaa maanta ka dhacaya CADAADO?

Cadaado (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa sheegaya in halkaas ay maanta ka dhici doonaan dibad-bax looga soo horjeedo heshiis shaley ka dhacay VillaSomalia oo la sheegay in lagu dhisi doono maamul ay ku mideesan yihiin gobalada dhexe.

Wariye ku sugan Cadaado oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay  in magaalada laga dareemayo qaban qaabada dibad-baxa looga soo horjeedo heshiiskaas oo ay qaadacday Ximin iyo Xeeb.

Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa dadka kala hadlay Idaacado maxalli ah oo ku yaalla magaalada waxaana ay sheegeen in ay ka soo qeybgalaan bannaanbaxa lagu diiddan yahay heshiiskaas ka dhacay Muqdisho.

Ma cadda mas’uuliyiinta ka qeybgali doono banaan-baxa in uu ku jirro madaxweyne Cabdullaahi Maxamed Baarleex oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho.

Sidda uu ka sheegay shaley heshiiska ka dhacay Villa Somalia waxaa la rabay in dhinaca Ximin iyo Xeeb uu saxiixo Baarleex balse oo Muqdisho ku sugan balse waa uu qaaday in uu tago madasha heshiiska lagu gaaray.

Wuxuu ku dooday madaxweynaha Ximin iyo Xeeb in uu ka cabsi qabo in heshiiskaas ay ka daaba yeerto qeylo gaar ahaan in Puntland ay tiraahdo ma taageersani maadama qeyb badan oo gobalka Mudug ay ka arrimiso.

Faah-faahinta warkan kala soco bogga Caasimada Online