Da’yer Soomaali ah oo Washington DC kula kulmay marwada 1-aad ee USA

Washington DC (Caasimada Online) – Magaalada Washington DC ee xarunta dalka Maraykanka waxaa maalmahan ku sugnaa dhallinyaro 500 ka kooban kuwaasoo ka  socda waddamo badan oo ku yaalla Afrika.

Dhallinyaradaas ayaa intii ay joogeen dalkan Maraykanka waxay kulamo la yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Maraykanka oo uu ku jirro madaxweyne Obama, waxaa kaloo ay booqdeen dhismooyin iyo jaamacado ku yaalla Maraykanka.

Dhallinyaradan waxaa ku jirra seddax ka timid Somalia, waxaana madaxda ay la kulmeen ka mid ah madaxweyne Obama iyo xaaskiisa Michel Obama.

Da’yer SOMALI ah oo la kulmay marwada kowaad ee Maraykanka
Da’yer SOMALI ah oo la kulmay marwada kowaad ee Maraykanka

Sahra Saciid Billaal waxay ka timid Hargeysa waxay sheegtay in marwada madaxweynaha Maraykanka ay ka faa’iday wax yaabo fara badan oo horrumar u ah Afrika.

Waxay sheegtay in meelaha ay tageen ay kala kulmeen wax yaabo aaney filaneynin ka hor inta aysan immaan dalka Maraykanka.

Waxay sheegtay in marwada madaxweynaha ay ka muuqatay siddii ay u horrmarin lahayd dhallinyarada Afrika gaar ahaan dumarka.
Waxay sheegtay oo kale in dadka Maraykanka ay ka go’an tahay siddii loo taageeri lahaa da’yerta ku nool Afrika kuwaasoo dagaal colaad u joog noqday.

Ugu dambeyn waxay sheegtay marka ay ku laabato Hargeysa in ay xittaa dumarka uun aaney ku koobnaan doonin ee ragga xittaa ay u sheegi doonto in dumarka fursad loo siiyo siddii ay wax u baran lahayd si ay markaas wax ugu taraan dadkooda.

Mashruuca  Young African Leader Ship Initiative ayaa waxaa sameeyay madaxweyne Obama waxaana sannadkasta dalka Maraykanka lagu casuumaa dhallinyaro 500 ka badan kuwaasoo loo arkay in ay wax yaabo badan ku soo kordhin karaan bulshadan.

Dhallinyarada Soomaaliya ka socda oo kala ah labo wiil iyo gabar ayaa midkiiba waxaa laga soo dhex xushay ilaa 400 oo dhallinyaro ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Washington DC

Caasimada@live.com