“Garsoorkii oo awalba liitay ayaa waxa uu gacanta u galay koox” waxaa yiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan xil ka qaadis sharci daro ah lagu sameeyay Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya Cabdul Qaadir Maxamed Muuse, ayaa waxaa arintaasi siyaabo kala duwan uga hadlay Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ka tirsan DFS.

Xildhibaanada iyo Siyaasiinta ayaa sheegay in Faarax C/qaadir Wasiirka Garsoorka Soomaaliya uu ku tuntay Garsoorkii Dalka Soomaaliya Koox gooni ahna Gacanta u galiyey.

Ex Xildhibaan Salaad Cali Jeele oo iminka kamid ah Siyaasiyiinta Dalka, ayaa waxa uu sheegay in Wasiirka Garsoorka Faarax C/qaadir uu afganbiyay Siyaasada Dalka, islamarkaana iminka uu u tafa-xeydanaayo inuu la wareego Garsoorka.

Waxa uu Salaad Cali Jeelle cadeeyay in Faarax C/qaadir uu xiligaani doonayo inuu Reerkiisa ka dhex muujiyo Siyaasada Dalka, wuxuuna ku tilmaamay inuu yahay Faarax ruux aan qalbigiisa nadiif aheyn doonayana inuu iska horgeeyo Siyaasadaha dalka iyo beelaha kasoo jeeda Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay.

‘’Ma suuroobeyso in Faarax C/qaadir uu ku tunto shuruucda Dalka, waan la socnaa inuu faragalin xoogan ku haayo Xafiisyada aan isaga quseyn’’ Ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

Sidoo kale, Xildhibaan Cabdi Bare Yuusuf oo kamid ah Xildhibaanada Dowlada ayaa daboolka ka qaaday in Faarax C/qaadir Wasiirka Garsoorka Soomaaliya uu ku tuntay Garsoorkii Dalka Soomaaliya, islamarkaana uu Koox gooni ah Gacanta u galiyey.

Xildhibaanka waxa uu Tilmaamay in Soomaalida looga baahan yahay inay kala furan indhahooda islamarkaana ka hortagaan Musiibooyinka Siyaasadeed ee Dalka kusoo wajahan.

Xildhibaan Cabdi Bare Yuusuf ayaa sheegay in Garsoorkii  uu awalba liitay hadana Taladiisa Gacanta u gashay Kooxda Xasan Sheikh oo Faarax C/qaadir uu Mas’uul oga yahay, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyntii, waxaa dhaliilo ceynkaasi ah iyaguna Afganbinta Garsoorka ka muujiyay Aqoonyahaano iyo waxgarad iyagu Tilmaamay in Xassan Sheekh iyo Faarax C/qaadir ay dalka ku hayaan Siyaasad gumeysiga u sahleysa wax waliba.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com