Cabdi Nure Siyaad oo muuqaal xun ka baxshay heshiiskii Gobollada Dhexe

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdi-Nuura Siyaad oo ka tirsan Siyaasiyiinta Somalia oo la hadlaayay Idaacada SKY ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu sheegay in Heshiiska Maamulka loogu dhisaayo Gobollada Dhexe uu yahay mid aan laheyn miro dhal.

Waxa uu Tilmaamay in Heshiiska ay gadaal ka riixayaan Dowlado dano gaar ah ka leh Kheyraadka Dalka, waxa uuna farta ku goday in taasi ay daliil u tahay Maqnaanshaha Madaxweynaha Maamulka Ximin iyo Xeeb C/lahi Cali oo goobta ka maqnaa.

Cabdi-Nuura Siyaad waxa uu intaa hadalkiisa raaciyay in Heshiiska uusan waxba dhaami doonin kuwii dhow jeer Soomaalida loogu qabtay Dalka iyo dibadiisa.

‘’Waa been abuur waxan aaminsanahay in Heshiiskaasi uu yahay mid aan waxba dhaamin kuwii hore, waayo waxa uu u muuqda mid lagu indha sarcaadinaayo Soomaalida, waxaa jiro Beelo aan lagala tashan oo iyagu la rabo in loo taliyo mana soconeyso’’

Dhanka kale, waxa uu Cabdi-Nuur ugu baaqay Soomaalida inay ka fogaato wax waliba oo ay gadaal ka riixayaan Beesha Caalamka, wuxuuna Heshiiskaasi ku tilmaamay mid ku ekaa inta leys hor fadhiyay laguna doonayo in leysaga horkeeno Beelaha wada-dega G/Dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com