Dhageyso Cabdi QEYBDIID: FAD AMA HA FADIN WAA LAGU FADSIIN DOONAA

qMuqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmaudug, Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa sheegay maamulada loo dhisaayo gobalada Mudug iyo Galgaduud uu ka yimid madaxda dowladda ee aanu ka immaan maamulada ka dhisan gobaladaas ee ka ah, Gamudug, Ahlu Sunna iyo Ximin iyo Xeeb.

Wuxuu sheegay in madaxda dowladda fedaraalka ay ka shaqeeyeen maslaxada dadka ku dhaqan gobalan kuwaasoo markii hore ahaa kuwa aad u yer yer oo aan xaqooqda dhacsan karin.

Cabdixasan Qeybdiid ayaa sheegay in maamulkan uu ku yimid FAT AMA HA FADIN, taasoo uu kaga jeeday in cid kasta oo ka soo horjeesata ay yeel kadeed tahay.

Wuxuu tilmaamay in dadka diidan ay cirka roob ku og yihiin sidda uu ka sheegay madashii lagu saxiixayay maamulka cusub ee loo dhisaayo Galgaduud iyo Mudug.

Cabdiqaybdiid waxaa kaloo uu ammaan kala dul dhacay beesha caalamka gaar ahaan IGAD oo uu yiri iyaga ayaa looga baahan yahay meel marinta heshiiskan oo la sheegay in ay qeyb ka saxiixeen maamulada Galmudug, Ahlu Sunna iyo Ximin iyo Xeeb.

Sidoo kale madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa ugu baaqay IGAD oo saaxib dhow la ah Soomaliya in ay ku dedaalaan siddii loo meel marin lahaa qorshaha maamul u sameenta gobalada dhexe.

Si kastaba, heshiiska ka dhacay Villa Somalia waxaan ka qeybgalin maamulka Ximin iyo Xeeb kuwaasoo qaadacay heshiiska waxaana ay sheegen in ay ka walwalsan yihiin aayaha maamulka loo dhisaayo labada gobal maadama qeyb badan oo Mudug uu gacanta ku hayo maamulka Puntland.

Halkan ka dhageyso Qeybdiid

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com