DFS ma ka warhaysaa qorshaha cusub ee Amisom ay ka leedahay KISMAAYO?

Kismaayo (Caasimada Online) – Hawl-galka nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM ayaa xafiis dhinaca siyaasadda ah ka furanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka KMG ah ee Jubba, Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag oo saxaafadda la hadlay, kaddib kulan ay shalay Kismaayo ku yeesheen mas’uuliyiinta maamulka iyo wafdi ka socday midowga Afrika ayaa sheegay in xafiiska laga furayo Kismaayo, si loo dar-dar galiyo hawlaha nabad galyada.

Fartaag ayaa intaas ku daray in xafiiska siyaasadda ee AMISOM uu gacan ka geysan doono adkaynta nabad galyada iyo horumarinta ciidammada maamulka KMG ah ee Jubba.

Ku simaha wakiilka midowga Afrika u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya, Lydia Wanyoto oo hoggaamineysey wafdiga ayaa sheegtay in midowga Afrika uu gacan siinayo maamulka Jubba iyo bulshadiisa.

Illaa iyo hadda ma kala cadda, in arrintan lagu war-geliyey dowladda federaaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho iyo in kale, hase yeeshee uma badna, sida horey looga bartay Amisom.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com