Dhageyso: “DF dagaal bay Puntland ku soo qaaday waana iska dhicneynaa”

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Afhayeenka ururada bulshada Rayidka Puntland Daahir Cumar Siyaad ayaa si kulul kaga hadlay kulankii ka dhacay Muqdisho oo lagaga hadlayay maamul u sameynta goballada dhexe ee dalka, kaasi oo lagu dhisay maamul cusub oo matalaya Mudug iyo Gal-Gaduud.

Shalay ayay hayad markii xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho lagu saxiixay heshiis ay gaareen saddex koox, oo la sheegay inay dhisanayaan maamul cusub oo federal ah, oo ka kooban gobollada Mudug iyo Gal-Gaduud.

Daahir Cumar Waxa uu sheegay in madaxda dalka ay ku eedeynayaan iska hor-keenka dadka walaalaha ah ee Galmudug iyo Puntland ka soo kala jeeda.

Afhayeenka waxa uu sidoo kale dhaliilay siyaasadda dowladda Somalia, isagoo sheegay in dad gaar ah oo dowladda ka tirsan ay arrintani ka dambeeyaan, kuwaasi oo uu sheegay inay horey u huriyeen  dagaal beeleedyada ka socda goballada dalka sida uu hadalka u dhigay Daahir Cumar.

Dhinaca kale, Afhayeenka waxa uu sheegay in Puntland lagu qabanayo kulan deg-deg ah oo lagaga hadlayo aayaha maamulkaasi, si la isaga difaaco waxa uu ugu yeeray weerarka iyo dagaalka dowladda Federaalka kaga imanaya

Si kastaba, illaa iyo hadda ma jiro wax war rasmi ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda Puntland ee uu hoggaamiyo Cabdi Weli Gaas.

Halkan hoose ka dhageyso wareysiga

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com