Yusuf Indha-Cade oo ammaan darrida Muqdisho dusha u saaray beelo iyo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Gen Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde, ayaa waxa uu sheegay in Ammaan darida ka taagan Dalka ay sabaab u tahay dhibaatooyinka ka dhex taagan Beelaha wada dega Dalka, gaar ahaan Magaalada Muqdisho iyo gacan shisheeyo oo ku dhex jirto Soomaalida.

Indha Cadde waxa uu Tilmaamay in Shacabka iyo Madaxda dalka uusan ka dhexeyn wada shaqeyn taasina waxa uu ku sheegay inay tahay Sababta keentay Ammaan darida, maadaama uu yiri kalsooni aysan jirin.

‘’Ammaan waxaa keena Alle, kadib waxaa lagu gaara madax iyo bulsho wada shaqeyso ma muuqato heerka ay kuwada shaqeyn lahaayen waxaana halkaasi ka imaanaya kalsooni daro iyo wadashaqeyn xumi’’

Waxa uu intaa raaciyay in Amaan darida ay qeyb ka tahay Dharka Ciidamada oo ay wada wataan dadka, wuxuuna tusaale usoo qaatay dharka Militeriga ee lagu geysanaayo dhibaatooyinta, taasina ay tahay mid dhaliisheedu ay usoo laabaneyso Dowlada Federaalka.

Waxa uu ku baaqay in Dowlada ay ka fogaato wax waliba oo nusqaamin kara sumcadooda, taasi oo uu ula jeedo Dayacaada Ammaanka iyo dhibaatooyinka ka dhalankara, wuxuuna ka digay in loo kala hiiliyo Ciidamada Dowlada.

Dhanka kale, Indha Cadde waxa uu walaac ka muujiyay qaabka ay Dowlada u dayaceyso Ciidamada, waxa uuna ku taliyay inay xooga saarto sidii ay isugu soo dhaweyn laheyd Ciidamada iyo Shacabka si looga sal gaaro Ammaanka Dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com