Maraykanka oo xalka SOOMAALIYA ka raadinaya dhinac cusub oo ah inuu….

Wanshinton DC (Caasimada Online) – Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in xal ugu jirin waddamo ay ka mid tahay Soomaaliya qaab millitari, waxaana ay soo jeediyeen in loo baahan yahay wadahal iyo dib u heshiisiin la dhex dhigo dalka ku nool waddamadaas.

Lataliyaha dhinaca ammaanka ee madaxweyne Obama haweeneyda la yiraahdo Susana Rise ayaa sheegtay in Maraykanka uu kordhin doono taageerada dhinaca dhaqaalaha iyo tabbabarida la siinaayo askarta waddamo ku yaalla Afrika oo Soomaaliya ay ugu horeyso.

Iyadoo ka hadleysa machadka nabadda ee Washington DC ku yaalla ayey sheegtay in xalka Soomaaliya oo muddo ka badan 20 sanno ay ragaadiyeen colaado ay u aragto siddii dib u heshiisiin loo dhex dhigi lahaa beelaha deggan dalkaas Afrika geeskiisa ku yaalla.

Waxay sheegtay Mrs, Rise in tan iyo sannadkii 2005-ta, ay tabbabar siiyeen ciidamo aad u fara badan kuwaasoo howllo nabad ilaalin u jooga waddamada Sudan, Soomaaliya iyo Afrikada Dhexe, iyadoona intaas ku dartay in saldhigyo millitari uu Maraykanka ku lee yahay qaarada sidda Djibouti.

Waxay xustay in Maraykanka uu saaxib dhow la yahay dalka Soomaaliya, oo dal hadda uun ka soo banaya dhibkii ka reebay asaagiis, waxaana dowladda Soomaaliya ugu baaqday in ay ka faa’ideesato fursada ay hadda heesato ee ah in beesha caalamka ay diyaar ula tahay taageero dhinac kasta ah.

Hadalkan Susana Rise oo horrey u soo noqotay wasiirka ammuuraha dibedda Maraykanka ayaa ku soo aadaya iyadoo billowga bisha August la filaayo in uu madaxweyne Obama uu la kulmo madax ka socota Afrika oo uu ka mid yahay madaxweynaha Soomaaliya.

Kulankaas taarikhiga ah waa markii ugu horreeyay ee uu dhaco tan iyo markii uu xafiiska qabtay Obama sannadkii 2005-tii.

Maraykanka ayaa hadda xoojinaya xiriirka uu lee yahay Afrika, waxaana sabab u ah markii Al-Qaacida ay dhul badan ka qabsatay waddamo ku yaalla gobalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Washington DC

Caasimada@live.com