AXMED Madoobe oo bilaabay DAGAAL cusub oo aan looga baran (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow naga soo gaaray Magaalada Kismaayo eeJubbada Hoose, ayaa sheegaya in Hoggaamiyaha Maleeshiyada Raaskambooni Axmed Madoobe uu wado qorsho cusub oo uu kula dagaalamaayo Col. Barre Hiiraale.

Wararku waxa ay sheegayaan in Axmed Madoobe uu doonayo in Hanjabaadaha kaga imaanaya Barre Hiiraale uu uga jawaabo Duqeymo dhanka Lidka meelaha fog-fog duqeymaha ka geysta, waxaana la tilmaamayaa in iminka uu rakibaayo Qoryaha waaweyn si uu dhulka u dhigo goobaha ay ku dhuumaleysanayaan Barre Hiiraale iyo Kooxdiisa.

Sidoo kale, waxaa lasoo warinayaa in Axmed Madoobe uu garab dagaal ka helaayo Ciidamada Kenya ee Kismaayo ku sugan, waxaana la rumeysan yahay in Axmed Madoobe uu Ciidankiisa galshay heegan sida uu u cadeeyay Warbaahinta.

Warar hoose ayaa waxa ay Tilmaamayaan in suuragal ay tahay in Axmed Madoobe uu duqeyn dhanka Cirka ah u adeegsado diyaaradaha Kenya xiliyada Habeenkii Barre Hiiraale iyo Ciidankiisa, halka warar kaasi khilaafsana ay sheegayaan inuu damacsan yahay in duqeymo hubka meelaha fog-fog u geysto Barre.

Lama sii saadalin karo halka ay gaarsiisan tahay Hanjabaadaha Labada Hogoomiye, wallow Maleeshiyada Raaskambooni ay sugayaan fasax si ay weerar ugu qaadan Duleedka Kismaayo oo uu ku sugan yahay Barre Hiiraale.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com