Dhageyso: Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo jawaab kulul siiyey xildhibaan Fiqi

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Cabdullahi Sheekh Cismaaciil oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka jawaabay hadal uu dhawaan sheegay Xildhiban Axmed Macalin Fiqi ee ahaa in xeer ilaaliyaha Qaranka uu yahay nin soo galooti ah oo an u dhalan Soomaali.

Kadib weerarkii Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishaakuur Warsame ayaa Xildhibaan Fiqi isaga oo hadlayay waxa uu sheegay in Axmed Cali Daahir uusan aheyn muwaadin Soomaaliyeed balse uu yahay Muwaadin Itoobiyan ah oo u bahan in baaritaan lagu sameeyo.

Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Cismaaciil ayaa sheegay in xiligaan lakala soocayo muwaadiniinta Soomaaliya,isla markaana Axmed Cali Daahir lagu tilmamay in uusan Soomaali aheyn taasina ay tahay wax cadaalada ka fog.

Waxa uu sheegay in Garsoorka dalka uu xushmad leeyahay isla markaana iyada oo Siyaasad kale la eegayo aan loo gefin Madaxda Garsoorka dalka,uguna baaqay in arrinkaas  dib looga laabto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com