Warbixin: Dhacdooyinkii siyaasadeed iyo xasaradihii dhacay 2017-ka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sanadkan 2017-ka, waxaa lagu xusuustaa dhacdooyin muhiim ahaa oo ay ka mid yihiin isbadallo siyaasadeed oo dhacay, xiisado colaadeed, dagaallo, heshiisyo, farxad iyo naxdin iyo arrimo kale.

Hadaba, Caasimadda Online, waxaa ay akhristayaasheeda xusuusineysaa dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa sanadkan January illaa December 2017.

Bishii January, waxaa dhacay doorashada guddoonka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana markii ugu horeysay uu dalku yeeshay Aqalka sare, kaas oo sanadkaan la dareemay jiritaankiisa, ka sokow dhismaha hey’adihiisa, aqalkaan waxaa uu qabtay sharciyo iyo xallinta khilaafaadyo jiray.

February, waxaa lagu xusuustaa isbadal siyaasadeed, waxaa 8-dii bisha madaxweyne loo doortay mudane Maxamed Cabdulahi farmaajo, isla bishaas dhammaadkeeda waxaa uu Farmaajo ra’isul wasaare u doortay Xasan Cali Kheyre oo ka tirsanaa milkiilayaasha Soma Oil and Gas.

March, Waxaa 16-keeda Goor habeen ah, 42 qof oo qaxooti Soomaaliyeed ah lagu dilay xeebaha Yemen, diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo Sacuudiga iyo xulafadiisa ah ayaa falkaasi geystay, dowladda federaalka ah illaa hadda kama hadlin.

Isla March 21, 2017: Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa magacaabay 68 wasiir, 8 ayaa haween ahaa, waxaa kale oo ku jiray 15 wasiiru dowle, 26 wasiir, 26 ku-xigeen, wasiiradaas 42 Xildhibaanno ahaa., maalmo kadib magacaabista xukuumadda waxaa lagu guuleystay in duulimaad toos oo Muqdisho ka kacay uu ku dago magaalada Nairobi, March 29, 2017, arrintan waxaa ay ka dambeysay is-afgarad dhex-maray labada dal.

April 1-deeda,  waxaa kalsooni heshay xukuumadda Ra’isul wasaare Cali Kheyre, iyada oo si toos ah shaqadeeda u bilowday.

May, waxaa uu dalku galay marxalad cusub,  Bishaas 11-keeda,  xukuumadda waxaa ay meelmarisay qorshaha xasilinta Banaadir, waxaa la sheegay  in dowladda ay howlgelisay 1500 askari.

Dhinaca kale isla May 11, 2017: Shirkii Soomaalida loogu qabtay London, waxaa laga soo saaray heshiis cusub oo lagu badalay barnaamijkii New Deal-ka, qorshahan cusub oo loo bixiyay New Partnership(Heshiiska iskaashiga cusub) waxaa Soomaaliya lagu hagi doona sanadaha soo socda, waxaa kale oo goobta lagu saxiixay National Security Architecture oo dhigaya in la sameeyo 18, 000 oo ciidanka xoogga dalka ah, 4 kun oo ciidamada gaarka ee danab ah iyo 32 kun oo Booliis ah.

Dhacdooyinkii June  ugu muhiimsanaa waxaa ka mid ahaa Madaxweyne Farmaajo oo 4ta bisha ballan-qaaday in uu 3 bil gudahood wax uga qabanayo cadaaladda, illaa iyo hadda waa laga sugayaa, 2 maalin kadib, Dowladda federaalka ah ayaa go’aan ku gaaray in muranka Khaliijka ay dhex-dhexaad ka yihiin, waxayna ku baaqeen in dalalka muransan la dhex-dhexaadiyo, go’aankaasi waxaa warqado ka duwan oo lagu taageerayo xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka soo saaray maamullada Somaliland, Puntland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, waxaana bilowday khilaaf dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada ah oo illaa iyo hadda aan heshiis cad laga gaarin.

August, waxaa ay aheyd bil kulul, Bishaas 25, 2017, ciidamada dowladda iyo kuwa Mareykanka ayaa 10 qof oo rayid ah ku dilay beer ku taallo deegaanka Bariire, Shabeellada hoose isla bishaas August 27, 2017: Cabdikarim Qalbi-dhagax oo 23kii bishaasi laga soo qabtay gobollada dhexe ayaa loo dhiibay dowladda Itoobiya, in kasta oo golaha shacabka dhiibistiisa sharci-darro ku tilmaamay lama oga waxa xiga, waxaa kale oo bishaas dowladda heshiis la galay  Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).

September 26, 2017: Maamul goboleedka Galmudug waxaa ka dhacay qalalaase siyaasadeed, Xildhibaanno ayaa sheegay in madaxweynaha Xaaf xilka ka qaadeen, Xildhibaanno kale ayaa guddoomiyaha baarlamaanka casilay, dhinacyo kala duwan ayaa xilalka iska-qaaday, dowladda federaalka ah ayaa la safatay guddoomiyaha baarlamaanka halka maamul goboleedyada ay la safteen madaxweyne Xaaf,  Xildhibaanno federaalka ah oo booqday maamulka ayaa ku guul-dareystay, kadib  is-jiid-jiid dheer oo ceeb dhinacyo badan soo gaartay, waa la heshiiyay.

October, Waxaa lagu xusuustaa dhacdooyin badan, waxaa ka mid ah Guddiga Madaxa Banaan ee dib u eegista dastuurka iyo guddiga dib u eegista dastuurka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa baajiyay shirka dastuurka ee wasaaradda, Isla bishaasOctober 11, 2017, War saxaafadeedkii kasoo baxay Madaxda maamul goboleedyada oo Kismaayo ku shirayey ayaa looga dhawaaqay Gole ay ku mideysan yihiin oo la magac-baxay  Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleeyada (GIDG) kaas oo hadda u muuqda mid go’aannadii ay si rasmi ah u fulaan.

In kasta oo Qaraxyadii dhacay iyo khasaaraha maalin kale ka hadli-doono, Laakin macquul ma aha in October  ka hadalno oo aanan soo hadal qaadin 14-keeda, waxaa Zoobe ka dhacay qarax weyn oo ay ku dhinteen in ka badan 500 oo qof,  hanti badan ayaa sidoo kale ku baa’ba’day, waa qaraxii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaco qaaradda Afrika.

December 5, 2017: Wasiirka qorsheynta ee Soomaaliya Jamaal Maxamed ayaa sheegay in uu goobjoog ka ahaa heshiis ay dalka Mareykanka 300 oo Milyan oo doolar la saxiixdeen, kaas oo loogu talo-galay in  wax looga qabto horumarka Soomaaliya.

December 5, 6, 2017: Waxaa Muqdisho lagu qabtay shirka amniga iyo iskaashiga oo beesha caalamka iyo Soomaalida ay ku wada hadleen arrimaha la xiriira amniga, nabadda, siyaasadda iyo horumarka dalka iyo dadka.

December 6, 2017: Maamullada Galmudug iyo Ahlu-sunna ayaa si rasmi ah,  waxay si rasmi ah ugu heshiiyeen 14 qodob oo lagu soo afjaray khilaafkii dhanka siyaasadeed.

December 17, 2017: Waxaa goor habeen ah gurigiisa lagu weeraray siyaasiga mucaaradka ah Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame, 5 ilaaladiisa ka tirsan ayaa goobta lagu dilay, isagana waana la xiray, is-jiid-jiid iyo maxkamadeyn kadib waa lagu waayey wax dambi ah, waana la sii daayey.

Soyaalkaas marka aan ka soo tagno,  waxaa jiray dhacdooyin kale oo muhiim ahaa sida safarada tirada badan ee madaxweyne Farmaajo, Imaaraadka oo lagu wareejiyay Berbera iyo Boosaaso, isbadallo hey’adaha amniga iyo arrimo kale.

Safaradda Madaxweynaha:

Madaxweyne Farmaajo tan iyo markii la doortay waxaa uu booqday 19 dal, 9 bil uu madaxweynahaa waxaa uu dalka ka maqnaa 2 bil, dalalka uu booqaday waxaa ka mid ahaa: Sacuudi, Kenya, Jordan, immaraadka, Turkiga, Itoobiya, Ingiriiska, Sacuudiga, Uganda, Masar, Sacuudi Arabia, Suudaan, Uganda, Itoobiya, Djibouti, imaaraadka, Kenya, Côte d’Ivoire iyo Masar.

Ballan-qaad Mashaariic: Sanadkan waxaa jiro labo dal oo sameeyay ballan-qaaday mashaariic ay ka mid yihiin dhismo waddooyin iyo Airport, waa dalalka  Sacuudiga iyo Qatar:

Xukuumadda Kheyre: Waxaa May 03, 2017 la dilay Wasiirkii Howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya marxuum Cabaas Siraaji, muddada ay jirtay xukuumadan Kheyre waxaa is-casilay wasiiraddii Gashaandhigga iyo Gargaarka halka wassiirka diinta iyo awqaafta shaqada looga diray sabab aan la ogeyn, musuqa ay sheegto in ay la dagaalanto hal qof looma qaban sanadkaan, waxaa ay ka baxday shirar ay bilowday sida shirka wasiirrada federaalka ah ee ka dhici lahaa maamul goboleedyada iyo isla xisaabtan xukuumadda iyo warbaahinta.

Hey’adaha Amniga:  Waxaa xilka laga qaaday taliyaha NISA iyo taliyaha booliiska, illaa iyo hadda badalkooda lama keenin.

Heshiisyada Imaaraadka:  Doorashadii madaxweyne Farmaajo ee February  kadib, dalka Imaaraadka waxaa uu heshiisyo ganacsi iyo mid militari la galay Somaliland iyo Puntland, maamulka hore waxaa uu kula heshiiyay in dekadda Berbera lagu wareejiyo shirkadda DP World halka saldhig military la siiyay Isku Tagga Imaaraadka Carabta si ay u isticmaalaan Madaarka diyaaradaha ee Berbera, waxaa kale oo Puntland ay DP World ku wareejisay dekadda Boosaaso, Labada heshiis waxaa ansixiyay baarlamaannada labada maamul, weli lama oga mowqifka saxda ee dowladda federaalka ah.

Doorashooyin kale:

Doorashada Galmudug: Doorasho Ka dhacday Cadaado May 3, 2017, waxaa madaxweyne loo doortay Axmed Ducaale Geelle(Xaaf).

Doorashada Hirshabeelle: Doorasho Jowhar ka dhacday Sep 16, 2017, waxaa madaxweyne loo doortay Maxamed Cabdi Waare.

Doorashooyinka Somaliland: Doorasho Somaliland ka dhacday November 13, 2017, waxaa ku guuleystay Muuse Biixi, oo ah murashaxaha xisbiga Kulmiye.

Xigasho: Radio Goobjoog

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com