24.9 C
Mogadishu
Thursday, July 10, 2025

DHAGEYSO: Cabdi Barre oo weeraray JAWAARI

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf, oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa si weyn dhaliil ugu jeediyay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanka oo hadda safar dhanka dibada ku maqan ayaa wuxuu sheegay inuu kasoo horjeedo mooshinka ka dhanka ah dhismaha baarlamaanka maamulka KMG ah ee Jubbaland.

Wuxuu sheegay in mooshinkaasi uusan aheyn  mid sharci uuna hoos u dhig weyn u keenayo sumcada baarlamaanka Soomaaliya oo maalmahaan dib usoo laabaneysay sida uu sheegay.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale soo hadal qaaday baaritaanada ay wadana hayadaha amaanka dowlada Soomaaliya ee ku aadan dilkii loo geystay xildhibaan Yuusuf Maxamed Dirir.

Hayadaha amaanka ayuu ugu baaqay iney ka shaqeeyaan sidii cadaalada loo horkeeno lahaa dadkii ka dambeeyay dilka xildhibaanka loo geystay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News