XASAN SHEEKH oo hal safar ku caleemo saaray laba madaxweyne balse 4 xaalad iska indho tiray

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii la socday ayaa ka degay magaalada Khartoum ee dalka Suudaan shalay, wuxuuna ka qeyb geli doonaa caleema saarka Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir oo dhowaan  markii saddexaad dib loogu doortay xilka.

Xasan Sheekh oo garoonka diyaaradaha Khartoum  aanu uga kusoo dhoweyn madaxweynaha Suudaan ayaa waxaa soo dhoweeyay kaaliyaha Madaxweynaha Suudaan C/raxmaan Saadiq Almahdi.

Waa caleemo saarkii labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh ka qeyb galo isagoo hore uga mid ahaa madaxdii ka qeyb gashay caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Nayjeeriya Mohamadu Buhari.

Safarada madaxweynaha Soomaaliya oo intooda badan noqday kuwo aan muhiimad u lahayn dadka Soomaaliyeed ayaa ka sokow waqtiga uu ku lumiyo iyadoo xaaladda dalka ku jiro ay tahay mid xasaasi ah, waxaa kaloo wehliya inay ku baxdo lacago fara badan oo safar kastaa u dhigma in ka badan 100,000 oo doolar.

Marka laga soo tago howsha laga sugayo madaxweyne, waxaa xilligan dalka ka jira xaalado degdeg ah oo u baahan in madaxweyne xil noocaas ah haya aanu dalkiisa meelka u dhaafin, sida:

1 – Xaaladda qaxootiga Soomaalida ee Yeman
2 – Xaaladda dagaalada Xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya (gobolka Galgaduud)
3 – Xaaladda Derbiga Kenya ka dhiseyso xuduudka Soomaaliya
4 – Xaaladda Mooshinka Jubba ee la isku mari la’ yahay Baarlamaanka

Waxaa kaloo taagan howlihii hiigsiga cusub  ee 2016-da oo waqtiga loo heysto in lagu hirgeliyo uu yahay mid aad u yar. Haddaba waxaa is weydiin leh sababta ku kaliftay madaxweynaha inuu safarro aan muhiimad lahayn kharashkii umadda iyo waqti ku lumiyo?.

Laga yaabee in jawaabta laga dhex helo sawirka kartoonka ah ee Amin Amir

june_1_2015 copy