Dhageyso: Xildhibaan Xidig oo digniin ka soo saaray doorashada Jubbaland

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdi Rashiid Maxamed Xidig oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka kaas oo maalmahaan safar ugu maqnaa Magaalada Kismaayo ayaa Maanta dib ugu soo laabtay Magalada Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay ujeedka safarkiisii Kismaayo iyo kulamo kala duwan oo uu Kismaayo kula yeeshay Madaxda Jubbaland iyo Odayaasha dhaqanka, waxaana uu sheegay in uu yahay musharax Madaxweynaha Jubbaland.

Xildhibaan Cabdi Rashiid Maxamed Xidig ayaa sheegay in dadkii uu la kulmay uu ka mid ahaa Madaxweynaha xilkiisa sii dhamaanaya ee Jubbaland Axmed Madoobe, waxaana uu sheegay in uu kala hadlay sidii ay u qabsoomi laheyd doorashada, islamarkaana si amni ah ay cid walba uga wada qeyb qaadan laheyd.

Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in musharixiinta uu isaga ka mid yahay ay qabaan walaac ah in doorashada Madaxweynaha Jubbaland faragelin lagu sameeyo dhinaca ay doonto haka timaadee, hase yeeshee Xildhibaanka mashaacin cid gaar ah.

Marka laga soo tago hadalka Xildhibaan Cabdi Rashiid Maxamed Xidig ayaa waxaa jirtay markii dhawaan uu booqasho ku tagay Kismaayo in Garoonka loo diiday inay galaan Madax iyo Shacab doonayay inay soo dhaweeyay Xildhibaanka.

Hoos ka dhageyso Xiddig

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com