Muqdisho (Caasimadda Online) – Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wixii maanta ka dhacay xarunta Golaha Shacabka u saariyay iney mas’uul ka ahayd Xukuumadda uu hogaamiyo Ra’iisal wasaare Kheyre.
Xildhibaanada ayaa sheegay intaasi ay tahay wax laga xumaado,islamarkaana aysan xukuumadda uga hari doonin .
Xildhibaano ay ka mid yihiin Mahad Salaad ,Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi iyo Canab Xasan Cilmi ayaa sheegay in tahay waxii maanta ka dhacay xarunta Golaha Shacabka wax laga xumaado.
Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa dhankiisa sheegay saaka aroortii in la xiray wadooyinka Magaalada Muqdisho, iyadoo looga gol leeyahay in lagu baajiyo kulanka Baarlamaanka ee maanta.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in la baajiyo kulan Baarlamaanka uu ku balansanaa.

