Mahad Saladow ceebtu waa celis! ( Waxa aad ka cabanee waa camalkaagii shalay, ee ma ogtahay?)!

Ugu horreyn aan ku dhigo, in falkii maanta uu u baaqday furidda kalfadhiga baarlamaanku, in uu ahaa ammin lumin iyo waayo badsasho. Caws geeriyaad!

Waa markii labaad, ee dib u dhac ku imaanayo furidda kalfadhiga baarlamaanku, fasaxii iidda ka dib, cillado ka imaanaya madaxtooyada iyo goloha wasiirrada. Formaajo iyo Khayrre!

Marka aan ku xuso, in ay furan tahay, in MOOSHIN keeniddu aysan sideeda u ahayn DAMBI iyo EEL, ee marka laga soo tago danaha qofeed, qolo ama qabiil haddii aysan qaaraad ku jirin, uu yahay, xaq dastuuri ah, oo ay leeyihiin xildhibaannadu, una furan tahay, in ay maalin walba keenaan MOOSHIN, haddii ammin, aalad iyo usluub u oggolaanee jiraan. MOOSHIN diidow maanka geli taa.

Ka dib, aan Mahad si gaar ah u dhaho: Mahad Saladow ceebtu waa celis! Maxaa yeelay, markii aad awoodda dawladnimo hayseen, dhaqan ehelnimo, indheergarad, aayodhawr iyo aayatiin sugid la idin ku ma aqoon, marka waxa aad maanta ka cabanee waa camalkaagii shalay, ee ma ogtahay? Lagaa baray, oo lagaa badi!

Horta xusuus ma leedahay? Weligaa sawirradan ma aragtay? Haddaad aragtay, maxaad dareentay? Aan ku xusuusiyee, waxaa ku jira odoyadan faashadaha xiran, ee oogada bararan Ugaas Cabdi Daahir Ugaas Nuur, oo aad saxiixiisa ku noqotay xildhibaan 2012!

Maxaad weji iyo wanaag u haysaa? Horta weli ma ka la hadashay dhacdadan, oo uu ku baxay adeeg aad u dirsateen iyo sidii Xasan Daahir Aways dawladda loogu soo gacangeli lahaa ayna ku guulaysteen, haba garabmareen walxo dhaqan ahaan aysan sii dhugan? Midda kale, ma la timid aragti xumaan tir iyo godobreeb? Kugu fiicnaa leheedaa!

DHAQAN (xeer ama xeerbeeg) waa DHAWRID!

DHAN!

W/Qoray: 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

www.bilediraac.wordpress.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid.