27.8 C
Mogadishu
Friday, June 20, 2025

Dhageyso: Xildhibaano ka tirsan BF oo ku gacan seeray amarkii lasoo rogay…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay amaradii dhawaan kasoo baxay xafiiska xeer ilaalinta iyo Hanti dhowrka qaranka oo ahaa inaysan safri Karin wasiirada ka tirsan xukuumadii C/welli Sheikh Axmed.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf, oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xeer ilaaliyaha qaranka uusan awood u laheyn inuu xafiiskiisa kasoo saaro amaradaasi lagu mamnuucayo safarada wasiirada sida KMG xilalkooda u haya.

Xildhibaanka, wuxuu sheegay inay ku qaldanaayeen labada xafiis inay amaradaasi soo saaraan, maadaama sida uu sheegay aysan laheyn awood amarada ay kusoo saaraan, sida uu hadalka u dhigay xildhibaan Maxamed Cabdi.

“Waxaa la yiri qofka baxayo madaxweynaha amar haka soo qaato, war aniga haddii aan baxayo gudoonka baarlamaanka ayaan u sheegayaa, wasiir haddii uu baxayo R/wasaaraha ayuu u sheegayaa, ee madaxweynaha awoodaas dhan malahan, xeer ilaaliyahana wuu ku qaldanaa arintaas”.

“Waxaas joojiya waxaad dooneysaa inaad awooda ku weyneysataan, niman lasoo diray oo kale ha u ekaanina laakiin niman wadinyad u shaqeynaya haddii aad tihiin anagaa idin gacan siineyna”sidaasi ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cabdi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News