Dhageyso: Ximan & Xeeb oo soo saaray 5 qodob oo ka dhan ah DF Somalia & shirkii Cadaado oo..

Cadaado (Caasimada Online) – Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa maanta war saxaafadeed ay soo saareen waxay eedeyn ugu jeediyeen dowlada Federaalka Soomaaliya iyo gudiga maamul u sameynta gobolada dhexe.

Careys Maxamed Xaaji, afhayeenka maamulka Ximan iyo Xeeb oo la hadlay Caasimada Online, ayaa sheegay in kulan golaha wasiirada ay maanta yeesheen ay kasoo saareen qodobo ka kooban shan.

Wuxuu sheegay iney ugu horeyn ku eedeynayaan gudiga farsamada gaar ahaan gudoomiyaha gudigaasi ay la safan tahay musharax gaar ah oo ku sugan magaalada Cadaado.

Sidoo kale waxay sheegeen in dowlada Soomaaliya ay kala jartay aayaha dadka ku dhaqan gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com