“Xasan Sheekh waxa uu hadda halis ugu jiraa in caasimada Somalia uu u raro dhanka Puntland”

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdi-nuur Afrax oo kamid ah Odayaasha Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Madaxweyne Xassan uu la degay Maqaamkii Muqdisho ay ku laheyd Siyaasada dalka.

Waxa uu sheegay in Xassan Sheekh uu dhan waliba kala dagaalamay Beelaha Hawiye, si uu ku raali galin lahaa Beelaha kale, waxa uuna Tilmaamay in Puntland hadii loo rumeeyay riyadoodiina ay hadana kasoo horjeesanayaan Gudiyadii maalinta Khamiistii ay meel mariyeen Golaha Wasiirada Somalia.

Madaxweyne Xassan ayuu ku sifeeyay inuu yahay Mas’uul aan ka dhisneyn dhanka Siyaasada waxa uuna carabka ku dhuftay inay suuragal tahay in Maamulka Puntland uu garab kusiiyo in xitaa Caasimada Somalia loo raro Garoowe, sida uu hadalka u dhigay.

”Waa arrin suuragal ah in Xassan Sheekh uu Puntland u raro Caasimada. xiligii C/llahi Yuusuf qorshahaasi wuu socday hadana waa mid weli taagan”

Waxa uu tilmaamay in Madaxweyne Xassan uu u muuqdo mid ka faa’iideysanaaya fursadaha u harsan, waxa uuna ku goodiyay in ka Odayaal ahaan ay qaadi doonaan talaabooyin adag.

Dhanka kale, waxa uu ka digay in xuquuqda beelaha dega Magaalada Muqdisho uu Madxaweyne Xassan u hibeeyo Puntland iyo beelo kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com