XASAN SHEIKH oo lagu hor-dhaariyey taliyayaal ciidan oo uusan magacaabin + Layaab & sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waxaa hortiisa lagu dhaariyey taliyeyaasha cusub ee Ciidammada Asluubta iyo Booliska S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac iyo S/Guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamid.

Taliyeyaasha ayaa waxaa dhaariyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Caydiid Cabdullaahi Ilka-xanaf.

Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay taliyeyaasha cusub, isagoo dhanka kalena kula dardaarmey inay sii labanlaabaan hawshii wanaagsaneyd ee ay horey u qabteen taliyeyaashii ka horeeyay, la lana yimaado qorshe amniga dalka lagu xoojinayo.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Cadaaladda Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir), Wasiirka Amniga Cabdirisaaq Cumar Maxamed, saraakiil ka tirsan ciidammada iyo mas’uuliyiin kale.

Dhaarintan ayaa imaaneysa iyadoo aan la shaacin wax magacaabid ah oo madaxweynaha Soomaaliya ku magacaabayo taliyeyaashan, iyadoo Golaha wasiirada ay leeyihiin soo jeedin, madaxweynahana looga fadhiyay inuu wareegto  ku magacaabo taliyeyaasha. Tani waxay muujineysaa sida sharci darrada ah ee madaxda sare ee dalku ku socdaan. Waxaa la sugayaa wareegto madaxweynuhu soo saaro si ay arrintan sharci u noqoto.

8 1 2 3 4 5 6 7

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com