SAWIRRO: Wasiiro booqday dekadda Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulka Jubbaland, ayaa booqday Dekada Magaalada Kismaayo xili Dekada lagu sameeyay dayactiro.

Wasiiradaani ayaa hal hal u booqday dhamaan xafiisyada Dekada, meelaha ay ku xirtaan Maraakiibta, Kunteerada loogu talo galay in lagu keydiyo badeecada iyo goobo kale.

Booqashada Mas’uuliyiintaani ayaa ah tii ugu horeysay tan iyo markii la dhisay Golo wasiiro oo uu yeeshay Maamulkaasi.

Wasiirada iyo Xildhibaanada ayaa bogaadiyay qaabka ay u socdaan howlaha Dekada iyo dayactirada hordhaca ah ee lagu sameeyay, waxaana weli socda dayactiro kale oo ka socda qeybo kamid ah Dekada.

Hogaamiyaha Maamulka KMG Jubba Axmed Madoobe, ayaa dhawaan sheegay in waxbadan laga bedeli doono Howlaha Dekada, waxa uuna tilmaamay in howlahaasi ay khuseyso Wasiirka ku magacaaban Dekada.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA
1

2

3

4

5

6

7

8

10

11

12

13

14

15

16

17

18