Xasan Sheekh oo si rasmi ah usoo afjaray rajadii maamul federal ee gobolka BANAADIR (Go’aan)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa ka hadlay aayaha gobolka Banaadir iyo qorshaha dowlada Soomaaliya ay ka damacsan tahay gobolka Banaadir.

Xasan Sheikh Maxamuud, oo la hadlayay warbaahinta afka dowlada ku hadasha ayaa sheegay in gobolka Banaadir aan lagu dari doonin maamulka loo sameynayo Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan.

Wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya ay waddo qorshe dhameystiran oo maamul loogu sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe, laakiin uusan qorshaha ku jirin in gobolka Banaadir la raaciyo labadaasi gobol.

“Dowlada Soomaaliya qorshe cad ayay ka leedahay in la is raaciyo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waana qorshe labadaasi gobol maamul loogu sameynayo, Banaadir ma raacayo labadaasi gobol, shacabka gobolka Banaadir ayaa looga baahan yahay iney aayahooda ka tashadaan” ayuu yiri Xasan Sheikh.

Madaxweyne Xasan Shekh Maxamuud, hadalkiisa ayaa ka dambeeyay kadib markii bilihii ugu dambeeyay ay jireen hadalo ku aadan in gobolka Banaadir lagu biirinayo Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.

Qorshahaasi ayaa waxaa waday siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan dowlada Soomaaliya kuwaasi oo olole xoogan ugu jiray in Banaadir lagu biiriyo Shabeelaha Dhexe iyo Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com