Xog: Talyaaniga oo beel Soomaali ah kula shiray ROMA (Qorshe cusub oo uu damacsan yahay) !!!

Roma (Caasimada Online) – Magaalada Roma waxaa lagu qabtay shir ay soo qabanqaabisay Hayádda (Istituto Affari Internazionale) oo ka shaqeysa danaha Talyaaniga uu caalamku ku leeyahay.

Shirkan waxaa lagu casuumay beesha Daarood oo ka mid ah beelaha Soomaalida; waxaanna u metelayey C/weli Gaas oo madaxweyne ka ah maamul goboleedka Puntland iyo C/risaaq Fartaag oo ka socda maamulka Jubba.

Ujeeddada shirka loo qabtay, waxaa la sheegay inuu ahaa Talyaaniga oo sahminayey cidda uu is leeyahay waxaad iskaashi kala sameyn kartaa danahahaaga Soomaaliya, sidaa waxaa sheegay Samatar Jaamac oo ka mid ah odayaasha Soomaalida ee ku dhaqan dalka Talyaaniga.

Samatar  wuxuu sheegay in Talyaanigu arkay in Soomaaliya siyaasadeedii ay gacantiisa ka soo baxeyso, ayna ku tartamayaan Dowlado kale, wuxuuna sheegay in Talyaanigu doonayo  albaab cusub oo uu Soomaali ka soo galo.

Samatar Jaamac oo  muddo ka badan dhowr iyo 20 sanno deganaa Talyaaniga wuxuu yiri:

“Talyaaniga wuxuu u arkaa Soomaaliya neef qeybsigiisa lagu tartamayo,  wuxuuna doonayaa qeybtiisa. Neefkaas waxaa middiyo la dul-taagan Kenya, Itoobiya, Uganda iyo Mareykan, Talyaanigu wuxuu leeyahay aniga maxaa iga raabay qeybteydaan rabaa, markii uu sahansaday wuxuu la-tashi la sameeyey safiirka Talyaaniga  u fadhiya Soomaaliya, safiirku wuxuu kula taliyey inuu u yeerto Gaas iyo Fartaag” Ayuu yiri Samatar Jaamac.

Wuxuu  intaa ku sii daray in jiritaankii iyo magacii Soomaali ay laheyd uu sii libdhayo, sababtuna ay tahay shaqsiyaadka Soomaaliya siyaasadeeda metelaya oo ah kuwa markii horeba lagu soo xulay liidashooda, isaga oo ugu baaqay dadka waxgaradka ah inta goori goor tahay in ay iska xilsaaraan sidii ay cizigooda ku badbaadin lahaayeen.

Samatar wuxuu kaloo sheegay in Soomaalidii ay isaga isku xilliga ahaayeen iyo kuwii aabihii la xilliga ahaa in ay ahaayeen dad Soomaalinimadu ku weyn tahay, ayna adkeyd in gumeysigu kala qeybiyo, wuxuuna tilmaamay in Soomaaliya xittaa xilligii gumeysigu haystay in ay maanta ka sii liidato.

“Aniga oo reer Boosaaso ah  maalintaan garaadsaday  ilaa maanta jeebkeyga calanka Soomaaliyaa ku jira, kii Talyaaniga 60-kii ayaan tuurnay, maalintii calanka la saarayey Boosaaso ayaan ka soo safray si aan u arko calanka Talyaaniga oo la dejinaayo & kan Soomaalya oo la soo saarayo, maantana waxaan arkaa dad gumeysigii aan shalay la dirirnay la safan oo inta calankii Soomaaliya ay tuureen la soo baxay calan qabiil oo lulaaya, weligeey kuma fikirin anniga oo Soomaali ah inaan arko Talyaani qabiil u yeeranaya haddase waa dhacday, beesha Daarood cuqaasheeda & boqorradeeda waxaan leeyahay nimankaan Soomaali sii kala fogeynaya aan iska qabano” Ayuu yiri Samatar.

Wuxuu sidoo kale u soo jeediyey safiirka Soomaaliya u fadhiya Roma inuu ixtiraamo nidaamka Dowliga ah, oo uusan ku dhex milmin qabiil iyo shaqsiyaad uu sheegay inay soo dardareen Dowladii Soomaaliya, oo doonaya in ay Talyaaniga xodxotaan.

“Safiirku bacdamaa uu yahay astaantii Qaranka ee Soomaaliya oo Talyaaniga ku sugan,  dad aaney Dowladii dhexe ka warqabin oo qara-jeex ku socda inuu faraha la galaa daw ma ahan, maxaa safaaradda ka galay .?” Ayuu isweydiiyey Samatar.

“Haddii Talyaanigu xushmeynayo xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya, waxeey aheyd in  Dowladda Soomaaliya uu kala tashado u yeeritaanka Gaas & Fartaag; Labadaan danneyste iyo kuwa kale ee la midka ah inaan qabiil ku taageerno wax ina qabta ma ahan, Soomaalinimadii nagu dambeysay ayeey naga sii tirtirayaan, siddeey ku ogolaadeen in Talyaaniga ay daba dhilif u noqdaan.? waan ognahay shirka kama dhicin hool & meel saxaafad ay goob joog ka aheyd, wuxuu ahaa shir albaabada la isku xirtay; Talyaanigu si uu danihiisa u gaaro wuxuu siinayaa xooggaa yar oo san-dareerto ah, waxaanna uu leeyahay ogaada waxaad tihiin kuwa aan ku tashanaayo; wax kale ma jiraan” Ayuu yiri Samatar.

HALKAN KA ARAG LINKS-KA  AJENDAHA SHIRKA:

http://www.iai.it/sites/default/files/somalia_150506.pdf

W/Q: Maxamed Xassan (Roma-Italy)