Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya wararka ay soo sheegayaan xildhibaanada la kulmaya ra’iisul wasaare Saacid iyo madaxweyne Xasan Sheekh, kuwaasi oo bixinaya xog ku saabsan waxa ay kala kulmeen labada dhinaca..
Xildhibaan Saacid Maxamed Cali oo wareysi siiyey idaacadda VOS, isaga oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in labadan mas’uul uu khilaafkooda gaaray meeshii ugu xumeyd oo ah inaysan sii wada shaqeyn karin.
” Midkasta markii aad weydiisid waxa la isku hayo waxa uu ku leeyahay hebal xumaan uma qabo balse madaxweynaha oo kale waxa uu rabaa in Ra’iisul wasaaraha uu meesha ka baxo oo uu qof kale soo magacaabo, taasina waxay muujineysaa inaysan ragan colna aheyn nabadna aheyn” ayuu yiri Xildhibaan Saacid Maxamed Cali.
Waxa uu sheegay in labadan mas’uul ay xafiisyadooda shaqada ay wali socdaan oo ay mid waliba uu dhankiisa kala shaqeeyo howlaha golaha wasiirada. Laakiin waxaa uu sheegay xildhibaankan in labadooda aysan aheyn rag wadahadal iyo shaqo aysan ka dhaceyn.
Xalka lagu kala saarayo ayuu sheegay haddii aysan waqtiyada soo socda iyaga hishiisin inuu noqonayo baarlamaanka oo la horkeeno kadibna codka hal-dheeriga lagu kala bixi doono. Waa sida uu hadalka u dhigaye.
“Waa laga gudbay xilligii khilaafka madaxda dowladaha deriska iyo beesha caalamka ay kusoo bixi jireen oo ay xallin jireen, marka waxaan ku hanweynahay in aan howshan ku dhameyn doono dalka gudihiisa waliba golaha baarlamaanka.” ayuu yiri xildhibaan Saciid Maxamed Cali, kadib kulankii uu Saacid iyo Xasan Shiikh ay la qaateen.
Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho